Xukuumaddu Maxay Ka Tidhi Hadaladii Ay Hawada Isu Mariyeen Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Cirro?

Sa'ad Ali Shire

Dr.-Sacad-Cali-Shire-1Hargeysa (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa murshaxiinta xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadaladda xanafta leh ee ay isu-marinayaan warbaahinta, oo ay shacabka u soo bandhigaan waxyaabo nabada doonta iyo noloshooda u wanaagsan. Islamarkaanna wuxuu sheegay in doorashadaasi haddii si wacan oo qurux badan innoogu dhacdo inoo horseedi karto hannaan aynu ku hannaan karno ictiraaf aynu adduunka ka helo.
Wasiir sidoo kale wuxuu sheegay in hordhicii ugu horraysay goob-joogayaal indho-indheeya doorashadda qabsoomi doonta 13 November 2017-ka dalka yimaadeen.
Wasiirka oo ugu horrayn farriin u diraya murashaxiinta xisbiyadda wuxuu yidhi“Runtii si wanaagsan bay doorashadu innoogu socotay sidaynu u galay shantii ka sii horreeyayba, marka laga reebbo dhawaan oo hadalo xanaf leh la isu-tuurtuurayoo oo ka soo baxay faggaarayaasha laga hadlo. Arrinkaasi waxa laga yaabba in aanay dareensanayn siyaasiyiintu, laakiin dhaawac wayn buu innoo gaysanayaa runtii.”Sidaa ayuu yidhi Sacad Cali Shirre waxaannu hadalkiisii ku ladhay “Doorashadeenna si fiican baa loo dannaynayaa, loola socdaa waxa aynu nidhaahno iyo waxaynu qaban-baa la duubayaa. Marka waxa wanaagsan in aynu ka fogaanno wax alle iyo wixii sumcad xummo innoo keenaya, tiirarka aynu ku taagan-nahay ee laynugu qaddariya waxa weeye waa nabada iyo dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladnimo. Haddii aynu la nimaadno wax burinayaa intaas samcadeennu hoos-bay u dhacaysaa. Halkii aynu taagnayn hoos baynu uga dhacaynaa taasinna maaha himiladeenna. Haddii ay wax walba innoo haggaagan doorashadda maanta oo wax waliba innoogu dhacaan si nabad ah oo xalaal ah wax wayn bay ka taraysa geedi-socodka Ictiraafkeenna.”
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dalka ay soo gaadheen hordhicii goob-joogayaal ka socda caalamka oo u kuurgalaya xaaladda doorashadda qabsoomi doonta 13 Nov 2017-ka“Goob-joogayaasha waxa inoo yimi hordhacoodii oo inta ugu badan waxay yimaadaan shanta cisho ee ugu dambeeya, waxaan rejaynayaa ilaa 100 waxaan ka yarni inay inoo timaado, inaguma horayso oo caalamka waxa inooga yimi goob-joogayaal, iyagoo markii dambe xaqiijiyay in wixii aynu galay ahayeen doorasho xor iyo xalaal ah.” Ayuu yidhi Sacad Cali Shirre
Dhinaca kale, Wasiir Sacad Cali Shirre wuxuu sheegay in qaab ka duwan doorashooyinkii horre immika loo gali doonno doorashaddan ku soo food leh dalkeen Somaliland , oo kalsooni badan ku qabaan shacabku “Gudiga doorashooyinku shaqo wanaagsan bay ilaa hadda hayaan, waxaynu u baahannahay in aynu la shaqayno gudiga doorashooyinka. Dabcan haddii ay jirto cabasho waxaynu leenahay nidaam ee waa in nidaamka lagu dhammeeyo. Qaabka hadda wax loo dooranayo wuu ka duwan yahay hababkii horre oo hababkii horre waa lagu noqnoqon jiray doorashooyinka, laakiin hadda suurta-gal maaha oo waxaynu qaadanay nidaam aad u wanaagsan oo dadka oo dhammi ku wadda kalsoon yahay.”Sidaa ayuu yidhi Sacad Cali Shirre