Xukuumaddu Ma Weyday Cid Boobe U Jawaabta? – W/Q: Naasir Maxamed Cabdilaahi

39 maalmood ayaa laga joogaa, markii uu Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu bilaabay Qoraal taxane ahaa oo koobnaa oo ku gar-naqsanayay.

Mujaahid Boobe qormooyinkiisaa hodanka iyo xogogaalkaba ahaa si la yaab leh ayay u soo jiiteen dareenka dadweynaha gude iyo dibadba, waxaan ka dhashay fal-celis la yaab leh oo aad loogu riyaaqay.

Tan iyo maalintaa ilaa maalinkan maanta ah ee aynu joogno wax juuq iyo jaaq ah lagama maqal Xukuumadda Siilaanyo, marka laga tago mar qudh ah oo uu Wasiirka Madaxtooyadu u holladay, bal se uu ku barriiqday oo uu isku caddeeyay wixii lagu sheegayay.

Dadweynuhu waxay aad ula yaabban yihiin waxan aammusiiyay Xukuumaddeennii jawaabaha la taagnaan jirtay. Shacbigu aad ayuu uga yaabban yahay aammuskan dheeraaday ee Xukuumadda iyo dhuumashada intii jawaabaha la soo ordi jirtay ee warbaahintu khaatiga ka joogsan jirtay. Mujaahid Boobe ma wuxu noqday wax lagu dhici waayay in loo jawaabo? Mise dhacdooyinkan iyo xogtan uu soo bandhigay ayaa run ah oo meel laga maro la waayay iyo wax lagu beeniyaba?

Maxaa dhacay waa la yaabban yahay e’? Maye intii u hamuumi jirtay ee u soo haliili jirtay u-jawaabidda shacbiga waajibaadkooda gudanaya ee Xukuumaddeenna ku naqdiya sida ay uga gaabisay xil-gudashadeedii looga fadhiyay iyo ballan-qaadyadii ay ololihii doorashada ku soo gashay.

Arrintani waa mid jawaab u baahan, haddii uu aammuskaasi sii dheeraadana, shacbiga waxa u sii caddaanaysa in uu Mujaahid Boobe run sheegayay sidii ku caddayd Qormooyinkiisii taxanaha ahaa ee koobnaa.

Xaqiiqadu waxay tahay in uu Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ku dhuftay xabbad daloolisa ah oo dhalisay in ay Xukuumaddeennii ‘Dhagaxyo-cas’ iyo ‘Derbi-ka-adag’ ku caano-maashay soo rogan weyday.

Mujaahid Boobe wuxu soo bandhigay dhacdooyin taariikhaysan, maalmaysan, saacadaysan iyo qaar daqiiqadaysanba. Ma been baa? Haddii la beenin waayo oo ay Xukuumaddan qoor-diinlaynaysaa soo bixi weydo, shacbigu wuxu u qaadanayaa in ay run yihiin wax alle yaale wixii uu soo qoray Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Hadda Mudane Gabboose, oo maalin dhaweyd hadlay biyo looma kabban ee markiiba waa lagu booday? Show Xukuumaddanba maqaallo taxane ah hadii la isu dabo-dhigo maba soo roganeyso.

Naasir Maxamed Cabdilaahi