“Xukuumadda Waxa U Wanaagsan Inay Turkiga Abaarto, Oo Ay Ka Dhaadhiciso Qadiyadeeda, Una Sharaxdo Labada Dal” Ismaaciil Hurre Buubaa

(Slpost.net)- Hargeysa)-Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko hadalkii Jeneral Galaal, waxaanu tilmaamay inuu rayigiisa ka hadlay, balse aanay maanta suurtagal ahayn inay Somaliland la midoowdo Somaliya,waxaanu tilmaamay inay haboon tahay in Somaliland iyo Somaliya kala ahaadan laba Dawladood oo jaar ah.

Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siyey ayaa sidoo kale Xukuumadda Somaliland kula taliyey inay si toos ah u abaarto Turkiga oo qadiyadeeda si cad ugu sharaxdo, si aanu ugu khaldin Somaliya, waxaanu sidoo kale ka hadlay qodobo kale, waxaanu yidhi “Jeneral Galaal rayigiisu ayuu ka hadlay, balse suurgal maaha inay Somaliland iyo Somaliya dib u midoobaan, maxa yeelay midnimadii ay 1960-kii midoobeen Somaliland iyo Somaliya, Somaliya ayaa dishay, maantana intaas oo Maamul Gobolada ayey isku

qaybisay,waxaana wanaagsan in maadama aanu Somaliya kala tagnay in aanu kala ahaano laba dawladood oo walaalo ah, oo mid walba goonideeda isku taagto, wixii ay isla qaban karaana is la qabtaan, Somalida ku nool gayiga Geeska Afrika ha ahaadeen Somalida Kenya,ha ahaadeen Somalida Itoobiya, ha ahaadeen Jabuuti, ha ahaato Somaliya, ha ahaato Somaliland haddii Wadan la noqon waayey waxa haboon inaynu kala noqon shan Wadan oo walaalo ah, oo jaar ah oo wax wada qabsada, waxna is tara”.

Prof: Buubaa mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Turiga iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Xukuumadda Somaliland waxa u wanaagsan in Turkiga saani u abaarto, oo ay ka dhaadhiciso qadiyadeeda iyo in Somaliland iyo Somaliya ahaayeen laba dawladood oo midoobay 1960-kii, kadibna dib u kala noqday, oo Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay 1991-kii, oo maanta sinaba aanay suurtagal u ahayn inay dib u midoobaan, dhibaatooyinka ka taagan hadda Somaliya cida kaliya ee runtii si wanaagsan wax uga qaban karta una soo celin karta deganaashaha waa Somaliland, oo noqda Wadan madax banaan, oo Caalamka aqoonsi ka hela, ee Turkigu waxa u haboon inuu ilaaliyo, xaq dhawrana madax banaanida Somaliland iyo qadiyada shacabka reer Somaliland”.

Prof: Buubaa mar uu ka hadlaayey Diyaaradihii duqeeyey deegaano ka tirsan Gobolka Daadmadheedh ayaa yidhi “Sida aynu ogsoon nahay Diyaaraduhu habeen iyo maalinba  wey ina  dul maraan, iyagoo raadinaya soc-socod, iyo cid ay ka shakisan yihiin, kolay cid laguma dhibaatayn duqeeyntaas, balse haddii cid lagu dhibaatayn lahaa waxa masuuliyadeeda yeelan lahayd Xukuumadda oo lagula xisaabtami lahaa, waxaana haboon in Xukuumaddu la xidhiidho cid walba oo ay ku tuhmayso Diyaaradahan, oo wax ka weydiiso sababta keentay in Diyaaraduhu duqeeyaan deegaano ka tirsan Somaliland”.