Xukuumadda Somaliland oo Xidh-xidhay Wasiiro ka tirsanaa Maamulkii Cabdi Iley ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xidhay laba wasiir oo ka tirsanaan jiray maamulkii madaxweyne Cabdi Maxammuud Cumar ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii lagu qabtay iyagoo ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Sida ay warbaabinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan laamaha amniga, xadhiga labada wasiir ayaa lagu sababeeyey kaddib markii ay sifo sharci-darro ku soo galeen Somaliland iyagoo ka soo tallaabay dhinaca xuduudka u dhexeeya labada waddan.

FAAHFAAHINTA WARKAN OO DHAMMEYSTIRAN, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE