Xukuumadda Somaliland oo soo dhawaysay Duulimaadyo ay dalka bilaabayso Shirkaddii ugu horeysay ee laga leeyahay dalka UAE

“Waxaan aad ugu faraxsanahay fursadaha aan horay looga fa’iidaysan ee suuqa Afrika ee soo kobcaya sida Hargeysa.”

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, ayaa ka hadashay duullimaadyo cusub oo ay dalka ka bilaabayso horaanta Sannadka Cusub Shirkad-diyaareed oo fadhigeedu yahay magaalada Dubia ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo badhtamihii sannadkan loo ogolaaday liisan ganacsi oo wasaaraddu siisay.

141210f2Shirkaddan oo lagu magacaabo flydubai, ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay inay ballaadhinayaan duullimaadyada ay ka sameeyaan adduunka, kuna kordhinayaan adeegyadooda duullimaadyada saddex magaalo oo ku kala yaala waddamda Sucuudiga, Somaliland iyo Hindiya, kuwaas oo ay sheegeen inay duullimaadyada shirkaddu kaga hawl-gasho adduunka ka dhigaysa 89 magaalo oo ku kala yaala 46 waddan.

Waxa ay shirkaddu war-saxaafadeekeeda ku sheegtay inay duulimaadkooda ugu horreeya ka bilaabi doonaan Somaliland 5-ta bisha March ee sannadka soo socda, isla markaana ay flydubai noqonayso shirkaddii ugu horreysay ee todobaadkii Afar Duulimaad ka samaynaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Dubai, taas oo ay ku tilmaameen mid suurta-galinaya fursado aan hore looga faa’idaysan oo ka jira suuqyada Qaaradda Afrika oo ay tusaale ugu soo qaateen magaalada Hargeysa.

agaasimaha duulistaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Aadan oo Wargeyska Himilo xalay wax ka weydiiyey xidhiidhka dhexeeya iyo wakhtiga ay ruqsadda duulimaadyada siiyeen shirkadda flydubai, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan wada-shaqayn ka dhaxayso isla markaana ay markii u horeysay la soo xidhiidheen bishii January ee sannadkan, wakhtiyo kala duwanna ay dalka socdaal ku yimaaddeen saraakiil shirkadda ka tirsan oo indho-indhayn ku sameeyey madaarka magaalada Hargeysa.

“Nimankani ilaa muddo sannad ah ayay nala shaqaynayeen, waxay sugayeen inta la dhammaynayo xayndaabka Madaarka, markaa immikana xayndaabkii dhammaad ayuu ku dhow yahay oo boqolkiiba 90 wuu dhammaaday oo Hal KM baa hadhsan. Markii u dambaysay oo ay qiimayn u yimaaddeen, ayay arkeen xayndaabkii oo dhammaanaya. Laakiin wali wax warbixin ah nooma soo dirin, laakiin inay ku qanceenbaa muuqata,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulisa iyo Hawada Somaliland.

Agaasimaha oo aanu weydiinnay qaabka ay shirkaddu ula soo xidhiidhay iyo wakhtiga ay siiyeen ruqsadda ay dalka kaga hawl-galayso, waxa uu yidhi, “Liisanka waanu siinnay, waananu soo dhawaynaynaa duulimaadykooda, mar kastana shirkuduhu meelaha suuqyada ah ayay daneeyaan, markaa iyagaa soo dalbaday.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay inay jiraan shirkado dhowr ah oo hore u soo codsaday duullimaadyo ay ka bilaabaan madaarka Hargeysa, balse shuruud ku xidhay dab-demisyo iyo dhismaha Xayn-daabka gebo-gabada ku dhow ee Madaarka, wakhtigan oo wasaarad ahaan ay fuliyeen shuruudahaasna ay soo dhawaynayaan shirkad kasta oo danaynaysa duullimaadyo ay ka bilowdo madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa oo uu ku tilmaamay in adeegyadiisu u dhigmaan madaarro badan oo caalami ah.

Dhinaca kale, masuuliyiinta shirkadda flydubai, ayaa sharraxay muhiimadda duullimaadyadooda cusub ee magaalada Hargeysa ku jirto u yeelan doonto isku xidhka xarunta Ganacsiga Bariga Dhexe ee Dubai iyo Suuqyada qaaradda Afrika.

1409231Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka shalay lagu shaacisay duulimaadyada Cusub, Madaxa Ganacsiga Guud ee flydubai, Ghaith Al Ghaith oo ka hadlayey muhiimadda ay u leeyihiin duullimaadyada shirkaddoodu ka bilaabayso magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay, waxa uu yidhi, “Sannadka 2014 waa sannadka ugu mashquul badan flydubai. Waxaan ku dhawaaqnay 26 duulimaad cusub laga bilaabo January, waxaanu qaadaanay siddeed diyaaradood oo cusub si loo taageero qorshahan. Waxaan aad ugu faraxsanahay fursadaha aan horay looga fa’iidaysan ee suuqa Afrika ee soo kobcaya sida Hargeysa.”

Ku-xigeenka Madaxa Xidhiidhka Ganacsi ee Shirkadda u qaabilsan qaaradda Afrika Sudhir Sreedharan, ayaa isaguna yidhi, “Waxa naga go’an in adeegyada flydubai oo laysku halayn karo oo tayo sare leh aan keeno suuqyada aan aadka looga hawlgelin sida Hargeysa iyo in aan rakaabka siino fursadaha ay UAE ku iman lahayeen iyo wixii ka baxsan, iyadoo loo marinayo marinka duulimaadka Dubai. Waan hubaa in labada heer oo kala ah Economy Class iyo Business Class ay ka sare mari doonto waxay rakaabku filanayan iyo in aan ku socono astaanta Dubai taasi oo aan ku hanwayn ahay in aan magaceeda ku qaadno.”

Waxa kale oo shirkaddu ka hadashay qiimayaasha ay ugu talo-galeen tigidhada duullimaayada diyaaradahoodu isaga dhex gooshi doonaan Hargeysa iyo Dubai. “Qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class ee ka baxaysa Hargeysa waxaa lagu bilaabaya USD575 oo loo ogolyahay alaab la hubiyey oo culayskeedu yahya 20 kiilo, halka qiimaha tikidhka heerka duulimaadka loo yaqaan Business Class lagu bilaabayo USD 1,900 taas oo ku jirta dhamman cashuuraha iyo alaab 40 kiilo ah oo loo ogolyahay. flydubai waxay bixinaysa tikidhada ugu horreysa ee heerka duulimaadka loo yaqaan Economy Class oo ah USD549 waxaany oo dhaqan galaysa intii u dhexaysa 10 Desembar 2014 ilaa 10 January 2015,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Shirkadda flydubai oo la aasaasay sannadkii 2009-kii, waxa guddoomiye ka ah Axmed bin Siciid Al Maktoum oo ka mid ah qoyska Xukuma Imaaradda Dubia, kaas oo sidoo kale ah guddoomiyaha shirkadda Dubai World oo ah shirkad Maalgeshi ku samaysa isla markaana gacanta ku haysa maamulka Dekedo badan oo caalamka ku yaalla, kuwaas oo Dekedda magaalada Jabuuti ka mid tahay. Sidoo kale, waxa uu guddoomiye ka yahay Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada ee Imaaradda Dubai.

@Wargeyska Himilo