Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay Sababta ay u joojin weyday Qaadka iyo Diyaaradda Ethiopian Airlines

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay ilaa wakhtigan u joojin weyday Qaadka laga soo waarido dalka Ethiopia iyo Socdaalka Diyaaradda Ethiopian Airlines oo labadoodaba la sheegay inay ka qayb-qaadanayaan faafitaanka caabuqa Coronavirus oo kiisas ka badan 60 qof laga helay gudaha dalka Ethiopia.

Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa xukuumadda ugu baaqay inay joojiso Qaadka laga keeno dalka Ethiopia oo ka mid ah ganacsiyada u ballaadhan ee u dhexeeya labada dal iyo sidoo kale diyaaradda Ethiopian Airlines oo noqotay diyaaradda Kaliya ee xilligan soo fadhiisata garoomada diyaaradaha ee Somaliland, iyadoo dalka keenta muwaadiniin ka kala yimi dalalka dibadda marka laga reebo dalalka uu faraha baas ku hayo caabuqa Coronavirus, taas oo xukuumaddu heshiis kula gashay shirkadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan Guddiga ee Qaran ee ka-hortagga iyo xakamaynta Caabuqa CoronaVirus, ayaa arrintan kaga hadlay kulan Ururrada Bulshada Rayidka ah.