Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inaanay U dul-qaadanayn dilalka lala beegsado Suxufiyiinta

Abiib Diiriye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta ee JSL Md Abiib Diiriye Nuur ayaa  ka hadlay Falkii Foosha xumaa ee Magaalada Laascaanood habeenimadii xalay lagu dilay Weriye Axmed Saakin Faarax oo ka hawlgeli jiray Television-ka Universal, Waxaanu Wasiirku Cadeeyay inaanu Qarankani u dulqaadan doonin falalka noocaas ahi inay ka dhacaan gudaha Somaliland.

War saxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka warfaafinta oo nuqul ka mid ahina soo gaadhay Somalilandpost ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

“Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland waxay tacsiyadaynaysaa Qoyskii Qaraabadii,iyo dhamaan warbaahinta,gaar ahaan Telefishanka Universal oo uu Marxuun Axmed Saaki Faarax la shaqaynayay.

Xukuumada Somaliland waxay cambaaraynaysaa falkaasi foosha Xun,waxa uu Warsaxaafadeedku xusay inaan loo dul qaadan doonin falalka noocan oo kale ah,kuwaas oo ugub ku ah dalkan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Mudane Abiib Diiriye Nuur waxa uu Warsaxaafadeedkan ku soo gabo gabeeyay in hay’adaha amniga u xil saarani ay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen danbiilayaashii dilkaas gaystay.”

SOMALILANDPOST.NET