Xukuumadda Somaliland oo Sharraxaad ka bixisay Hannaanka Sharci ee Saamiga Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo Dalka Itoobiya

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sharraxaad ka bixiyey hannaanka Sharci ee loo maray Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo Saamiga laga siiyey waddanka Itoobiya,

Xukuumadda Somaliland, dalka Itoobiya iyo Shirkadda DP World, ayaa heshiis saddex-geesood ah oo lagu qaybsaday saamiga maalgeshiga dekedda waxa uu todobaadkan kudhexmaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirku waxa uu arrintan iyo Arrimo kale kaga hadlay waraysi uu siiyey Telefishanka Qaranka Somaliland, waraysigaas oo faahfaahsan ka daawo muuqaalkan Hoose.