Xukuumadda Somaliland oo sharraxaad ka bixisay Ciidamo ay samaynayso oo Qaramada Midoobay ka qaylisay iyo Baasaaboor Cusub oo nooca Electronic-ga ah

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sharraxaad ka bixisay, isla markaana ka jawaabtay eedaymo loogu jeediyey abuuritaanka Ciidanka OPU ee ilaalinta Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka oo ay shaki iyo walaac xooggan ka muujiyeen Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo ku tilmaamay Ciidan ammaan-darro geeska ka abuuri kara.

Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inaanay wararka ay hayaan Hay’adahaas iyo waxyaabaha ay sheegayaanba yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, kana war haynin ujeeddada rasmiga ah ee ay Somaliland Ciidankaas oo aan weli la abuurin u samaynayso, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Wasaaraddaa ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu sheegay inay diyaariyeen Baasaabboorka cusub oo ay Somaliland yeelanayso, kaasoo oo loo sameeyey qaab casri oo ah nidaamka xilligan dunidu ku shaqayso.