Xukuumadda Somaliland oo shaacisay xaddiga lacageed ee loo ururiyey Barakacayaasha Soomaaliya, meelaha loo qaybinayo iyo weliba Cidda Qaadaysa

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah guddigii Xukuumadda ee loo igmaday inay lacagta qaadhaanka ah u ururiyaan ayaa markii ugu horreysay shaaciyey xwakhtiga lacagtaas loo geyn doono ciddii loogu talo-galay

Wasiirka oo waraysi siiyay telefishanka Caalamiga ah ee HCTV waxa uu sheegay in lacagta qaadhaanka ah ee shacabka reer Somaliland u ururiyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaruhu tabaaleeyeen taas oo dhan $700,000 isla markaana  loo kala saari doono laba qaybood. Wasiirku waxa uu sheegay in qayb ka mid ah lacagtaas loo qaadi doono dadka ku tabaalaysan xeryaha qaxoontiga ee Kenya, halka qaybta labaadna loo gudbin doono dadka ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa lagu guulaystay gurmadkii shacabka iyo xukuumaddu wada qaateen oo lagu soo ururiyey lacag muddakar taas oo la odhan karo waxay ka qiimo roon tahay lacago ay ku deeqeen dalal badan oo aqoonsi haysta oo Afrika ku yaala. Sida aan maqlayna dalka Koonfur Afrika ayaa ugu badnaa oo ku dhawaaqay lacag gaadhaysa $500,000. Maanta lacagta aynu haynaa waxay dhan tahay $700,000 oo loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka walaaleheenna ah, waxaanan rejaynaynaa in todobaadkan gudihiisa wareegga hore wax lala gaadho, maalmaha Isniinta ama Salaasada.”

Waxa kale oo wasiirku intaas ku daray, “Lacagta waxa qaadi doona ciddii loo igmado ee guddigu u garato. Lacagtu waxa ay mari doontaa laba waddo. Meesha ugu horreysa ee mushkiladda ugu badan taallo oo ah magaalada Muqdisho oo awooddeda ugu badani gaadhayso, waxaana laga yaabaa inuu jiro dariiq kale oo ah dadka ku baro-kacay ee u qaxay dalka Kenya xeryaha qaxoontiga ku yaala. Waxaana mar hore dhacday in dad reer Somaliland ahi ay hore u caawiyeen dadkaas oo ay kaalmo u mariyeen niman Carbeed. Warbixintii ay qoladaasi noo keentayna waxay kalliftay in qoladaasna wax la gaadhsiiyo. Waxaananu rejaynaynaa in hawshaa ay qaban doonto cid ka wakiil ah shacabka iyo xukuumadda Somaliland.”

Haseyeeshee, warar xogogaal ah ayaa sheegaya in deeqda la geynayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool Kenya ay qaadi doonaan wefti wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, halka qaybta labaad ee magaalada Muqdisho ay qaadi doonaan xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net