Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Qorshe ay kaga Maarmi Karto Mucaawimooyinka Dibadda

Cape Town (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland, Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay inaanu horumarka Somaliland ku xidhnayn helitaanka mucaawimooyinka ay ugu yaboohaan waddamada horumaray,  la’aanteedna ay bulshadu wax-qabsan karto.

Wasiir Xuseen oo magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka qayb-galay shir loo qabtay maalgashiga Macdanta Afrika, ayaa wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay inaanay dal ahaan meel ku gaadhi karin shilimaadka ay waddamada reer Galbeedku siiyaan Somaliland.

Xuseen-Cabdi-Ducaale“Waa faa’iido shaki ku jiro, mucaawinadu weligeed wax ma horumarin karto,”ayuu sheegay. Isagoo raaciyey, “Mucaawinadu wax walba ma xaliso, waxaan jeclaan lahayn inaanaan helin, maxaa yeelay, immisa waddan oo Afrika ayaad garanaysaa oo horumar gaadhay sabab la xidhiidha mucaawino la’aan. Wadamada mucaawinada ugu badan hela waa kuwa ugu mushkiladaha badan,” ayuu sheegay.

Wasiirka Macdanta ayaa sheegay inuu isku deyayo inuu ku qanciyo shirkadaha baadha macdanta inay yimaadaan Somaliland oo ku tilmaamay, ‘faranta macdanaha aan weligeed la baadhin’, “Waxaan ku horumarnay awooda shacabka oo isku tashaday. Keli ayaan wax qabsanay, annagoo cidna wax weydiisan,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in kastoo aanu wadankiisu awood u lahayn la macaamilka hay’adaha lacagaha adduunka, balse taasi faa’iido u tahay maadama aan loo raacayn dayman lagu leeyahay, keligoodna isku tashadeen. “Wax amaah ah oo lanagu leeyahay ma jirto, waanu ka duwan nahay sida xaalada maanta ka taagan Giriigga,” ayuu sheegay.

Xuseen cabdi Ducaale waxa in miisaaniyada Somalialnd gaadhayso $250 milyan oo gebi ahaan ka soo baxda qaniimada dalkiisa. “Lacagaha dibedaha laga soo diro waxay soo geliyaan dhaqaalaha dalka inta ugu badan,” ayuu sheegay Wasiir Ducaale.