Xukuumadda Somaliland oo shaacisay inay ka qayb-galayaan Shirka Dalka Turkiga loogu qabanayo Soomaalida

[H]argeysa (SLpost)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka qeyb galayso shirka Turkigu u qabanayo Soomaalida bilowga bisha June, ka dib markii la sheegay in Somaliland loogu qaabilayo maamuus la mid ah kii shirkii London ee 23-kii Bishii Feberwari ka dhacay magaaladda London.

Xukuumaddu waxay shirkan uga qayb-galaya afar Wasiir oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta isla markaana ah afhayeenka xukuumadda Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle Boobe.

Warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Wasiir Boobe ayaa u dhignaa sidan:

“Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla markaana ah afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somalilad, waxa uu soo saaray Warsaxaafadeedkan ku saabsan ka qayb galka wajiga hore ee Shirka Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay martiqaad rasmi ah ka heshay Dawladda Turkiga bishii 5/24/2012.
Xukuumadda Somaliland waxa ay go?aansatay in ay ka qayb gasho wajiga hore ee shirkaasi oo ku beegan 31-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Martiqaadkan Rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu, Somaliland ula dhaqmi doonto si ka gedisan sida loola dhaqmayo goboladda Somalia.

Dawladda Turkigu waxa kale oo ay martiqaadkeedan ku cadaysay in la Raaci doono hab maamuuska shirkii London ee qabsoomay 23-kii bishii February.

Shirka Magaalo Madaxda dalka Turkiga ee Stanbul ka qabsoomi doona bishan 31-da, waxa lagu gorfayn doonaa isla markaana go?aamo laga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood kuwaas oo kala ah u adkaysiga Tamarta, biyaha iyo waliba wadooyinka.

Maadama uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland socdaal ku tagayo dalka Djibouti, madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay shirkaasi in ay ka qayb galaan wasiirada ay ka midka yihiin: Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.

Gabogadiina waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanaan ka qayb geli doonin wajiga labaad ee shirka, kaas oo lagaga hadlayo waxa loo yaqaano Road Map-ka oo aan qusaynin Jamhuuriyadda Somaliland.”

 SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net