Xukuumadda Somaliland oo shaacisay in qaar ka tirsan Firxadka kooxda Al-Shabaab soo galeen magaalooyinka waaweyn ee dalka

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shaaca ka qaadey in dalka ay si toos ah u soo galleen qaar ka mid ah firxadka Al-Shabab ee ka dagaalanta koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynenimo waxa uu bulshadda u soo jeediyay in ay iska ilaaliyaan cid kasta oo ku soo kordha magaalooyinka waaweyn ee dalka isaga oo bulshada ku baraarujiyey gaar ahaan bahweynta waxbarashada oo uu tilmaamay inay tahay meesha ugu fudud ee ay ka soo geli galaan.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay soo qaban-qaabiyeen Kow Media Corp. oo lagu soo bandhigayey Qiimaha nabadda iyo Farshaxnimada leeyihiin.

Md. Saylici oo Arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Sidaad la socotaan nimankii argigixasada ahaa ee Al-Shabaab culays badan baa fuulay xoog bayna noo soo dhaxgalleen oo ay u soo galleen magaalooyinka waa weyn ee dalka. Marka waa in magaalooyinka waaweyn cid kasta la socotaa qofka ku soo kordhay ee ku siyaada ah oo ay iskuuladu ogaadan waayo? Iskuuladu waa meesha ugu badan dhalinyaradda jaamacadda ilaa dugsiyadda dhexe.” Madaxweyuhu waxa uu intaas hadalkisa ku daray, “Maanta nin waliba waa waxgarad  oo aqoontii aad ayuu u kororsaday waxbarashadeeni way baahday.Waxaad ku darsata fogjinaanteena nabadgelyaddeena 20 sanno jirtay ee duulimaadka lagu yahay inaad dhegaha u furtaanbaan farrinta aan farayo dadweynaha Somaliland waa sidaas.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net