Xukuumadda Somaliland oo shaacisay go’aan cusub oo la xidhiidha Duulimaadyada Ethiopiam Airlines ee Somaliland

Hargeysa(SLpost) Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa caawa shaaca ka qaaday in shirkadda diyaaradaha Itoobiya Air-line ay berri si rasmi ah Duulimaadyadeedii uga bilaabayso madaarka Hargeysa.

War-saxaafadeed: Xafiiska Wasiirka Duulista & Hawada

Shir ay maanta magaalada Adis-ababa kuwada yeesheen weftigii wasiirada ahaa ee ka socdey Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibedda dalka Itoobiya ayaa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ka mid ah xidhiidhka labada dawladeeda ee Somaliland iyo Itoobiya, oo ah labada dal oo jaar ah uuna ka dhexeeyo xidhiidh dhinac walba leh.

Ethiopian airlines

Sidoo kalena waxaanu qoraalkan ku cadaynaynaa in la dhameeyey arrintii shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline, oo dhawaan hakisay duulimeedyadeedii ay ku iman jirtey jamhuuriyada Somaliland, waxaayna duulimaadyadeedii si rasmi ah u bilaabaysaa maalinta berito ah, iyada oo maalinta axada ahna ay soo raacayaan weftiga Somaliland.

Arrintan ayaa ah guul diplamaasiyadeed oo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo, ay gaadhay iyada oo arintan ay xukuumaddu ka gashay dedaal badan aakhirkiina lagu guulaystey.

Sida aynu wada ognahay waxay mucaaradku arrintan u turjimeen qaab khaldan, iyaga oo islahaa waxaad ku helaysaa shacbiyad, balse waxaan odhan karnaa mucaaradku way ku fashilmeen iyaga oo kala garanla qaranimada iyo waxyaaha Somaliland wax yeelaynaya.

Somalilandpost

Hargeysa