Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Diiwaangelin Madani ah oo Dalka laga hirgelinayo

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku gudo-jirta hirgelinta qorshe ay ku doonayso in dalka laga sameeyo diwaangelin Madani ah oo lagu ururinayo xogta Shacabka.

Kulanka oo ay ka qayb gelayaan mas’uuliyiinta kala duwan ee wasaarada Arimaha Gudaha, aqoonyahano, madaxda xafiiska socdaalka, mas’uuliyiinta jaamacadaha dalka qaarkood iyo ururada wadaniga ah ee dhinacyada gargaarka iyo horumarinta socona doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa loogu talo galay in uu ka soo baxo qorshe loo dhan yahay oo muujinaya wadada loo marayo diiwaangelin lagu sameeyo mustaqbalka dhow dadweynaha Reer Somaliland si loo calaamadiyo tiro la ogyahay oo xaq u yeelata ka qayb galka doorashooyinka soo beegan iyo weliba tirada guud ee dadkeena.

kulanka odoroskaShirkan oo uu  furay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa waxa mudada uu socdo lagu gorfayn doonaa sida ugu haboon ee dalka looga samayn karo diwaangalintaasi Madaniga ah, waxaana isla eegaya aqoonyahano ka socda Jaamacadaha kala duwan ee dalka, maamulka dawladaha hoose ee dalka iyo dadka kale.

Qorshahan oo la sheegay in la doonaya in lagu ogaado tiradda wakhtiga doorashada ka codeyn karta deegaan kasta oo dalka ah, ayaa waxa uu deba socday shir dhawaan dalka Koonfur Afrika ugu qabsoomay Wasiirrada arimaha gudaha ee dalalka Afrika oo Somaliland ka mid tahay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland oo shirkan furay ayaa yidhi, “Arrintan (Diwaangalinta) waxaynu uga dan leenahay in la ogaado tiradda rasmiga ah ee ka codayn karta Somaliland. “Xukuumadda waxa ka go’an inay Miisaaniyadda ugu darto wixii kharash ah ee hir-gelinta hawshan ku baxaya.”

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net