Xukuumadda Somaliland oo shaacisay 5 Xubnood oo uga qayb-gali doona Wada-hadallada Soomaaliya

[H]argeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shan xubnood u magacowday shirka gogol xaadhka ah ee wada hadalka Somaliland iyo Somalia. Waxaanay sheegtay in wada hadalka labada dal yeelan doonaan uu ku salaysnaan doono sidii la iskugu ducayn lahaa.
Xukuumadda Somaliland waxay daboolka ka qaaday inaanay waxba iska bedelin Karin go’aankii iyo iraadaddii shacbiga, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed is fasiraya oo uu maanta soo saaray Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) ahna Afhayeenka xukuumadda, waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Todobaadkan oo kaliya tiraba laba jeer ayuu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda TFG-du ka hadlay wada hadaladda dhex mari doonaSomaliland iyo Soomaaliya, Isagoo mar walba hoosta ka xariiqayay In kullamaddasi ubucdoodu noqon doonto in dib loo midoobo. Malahayga Mudan e Cabdi-weli Maxamed Gaas, waa da;dii dambe balse waxaan xasuusinaynaa inaanay waligeed dhicin ama hirgelinba midnimo Soomaaliyeed. Haddii uu u jeedo isu tagii labadii gobo lee Soomaaliyeed ee lixdankii, dhacdadaas waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku suntadeen “ isku darkii” ama israacii.

Dadkii Soomaaliyeed ee beryahaasi xiisaha iyo bohol-yowga baas isku qabay, ergayga midnimo waxay u keydsadeen marka la xaqiijiyo midnimadii shantii gobo lee Soomaaliyeed ee xiliyadaas hilaadda iyo saadaashuba ahaayeen in meel kaliya la iskugu keeno. Waayadaa dadkii Hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliyeed hayay ayaa qeexay macnaha midnimadda Soomaaliyeed, haddii maanta dib loo macneynaayana dadkii Soomaaliyeed ee ay berigaasi khusaysay ayay u taallaa. cid la qasbi karaana ma jirto, anaguna Somaliland ahaan waanu ka sii xag-jirnaaba.
Hal-abuurkii wadaniga ahaa ee Ibraahim Gadhle sowkii lahaa:

Lixdankii dadkaygoow Maydaan dambaabine,
Markaa dawladnimadii, Shanta kala dab raacdaa
Diiqadda u bixiseen, Darmo qudha u gogosheen
Deg-degsiimo mooyeee Isku duubnideeniyo
Doqoniimo ma ahayn Daacad baad horseedeen

Taasina ciyi waa ka baryay ayay noqotay oo shantii Soomaaliyeed way kala danaysteen, anaguna inaanu danaysano oo taayadda ka tallino cid naga horjoogsan kartaa ma jirto.
Waa 21 sanadood inta ay Somaliland tahay qaran madax-banaan oo horumar lagu daydo ku tallaabsatay. Lixdankii laba gobol isma raaci karayn ee anagga ayaa danta guud xeerinaynay oo is raac aan sidkiisii go’in ama shinkiisiiba dhammaan qasab kaga dhalinay waa markii aanu lahayn “Dharaartii walaalkay loo dhisay, een hortii dhashay sow ma soo dhicin.” Maantana meel aynu iskaga darsano oo iska raacno ma joogno oo cirka iyo dhulka ayaan kala taagan nahay. Xaaladaheenuna waa kaaf iyo kala dheeri.

Halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay iyo heerarka heegadda haabanaya ee ay Somaliland ransanaysaa waa laba aan is qabanayn.

Wada tashi qaran oo balaadhan ka dib Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay shirka gogol xaadhka ah ee ugu horeeya uga qeyb geli doona:-
1- Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha dibadda Guddoomiye.
2- Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda.
3- Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga UCID.
4- Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyadda.
5- Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda.

Jamhuuriyadda Somaliland sidii maqal dabayl raacday dib isuma dadbi karto, go’aankii shacbiga ee ay qaadatayna waa mid aan ka noqosho lahayn oo dalqad qaran ayaa ka taal. Mid kaliya ayaanu diyaar u nahay oo iskugu iman karnaa: waa sidii aynu iskugu ducayn lahayn, samaha iyo mustaqbalkana uga wada hadli lahayn ee aynu walaalo is garabsada u noqon lahayn. Idinkuna (Soomaaliya) hiyigiina iyo hadal hayntiina wax kale oo dhanba ka saara. Waynaada oo noqda walaalihii jira. Cadowgeen ma siraato, sidaana waanu ku ducaynay.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net