Xukuumadda Somaliland oo Ruqsaddii kala noqotay Telefishanka HCTV wariyeyaashii la xidhay qaarkoodna ku eedaysay inay hubaysnaayeen

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa ku dhawaaqay in ay Talefishanka Horn Cable TV kala noqdeen ruqsadii uu kaga hawlgalaayay dalka.

Wasiirka Daakhiligu oo sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa ku sababeeyey tallaabada ay kula kaceen TV-ga ka dib markii, sida uu sheegay, uu ku xad gudbay Qaranimada Somaliland isla markaana uu faafiyey warar wax u dhimayaa  Madaxbanaanida dalka.

Wasiirka waxa uu ku dooday in xukuumadda uu ka tirsan yahay aanay taako ka mid ah dhulka Somaliland oo ay ka soo noqdeen isaga oo markaa daba jooga war uu telefishanku baahiyey oo xukuumadda ku dhaliilaya inay kala dhantaashay midnimada dalka.

Dhanka kale, Wasiir Duur waxa uu ka hadlay Wariyeyaal bannaan-bax salmi ah ka hor sameeyey madaxtooyada oo ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen, waxaanu khaladka dusha ka saaray wariyeyaasha oo uu sheegay inaanay wax ogolaansho ah oo mudaharaadkooda ku saabsan kala soo xidhiidhin wasaaradda Daakhiliga.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah wariyeyaasha mudaharaadayey ay hubaysnaayeen, “Suxufiga waxa lagu yaqaanaa buug iyo qalin balse waxaanu ogaanay in wariyeyaashii saaka mudaharaadayey ay qaarkood hub siteen,” ayuu yidhi Wasiirku.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net