Xukuumadda Somaliland oo qaramaysay ciidamadii iyo tiknikadii ugu badneyd ee nabad-diidka Khaatumo ka soo goosta

Fiqifuliye (SLpost)   Weftigii Xukuumadda ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta degmadda Fuqifuliye ee gobolka Sanaag oo 80km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaaladda Ceerigaabo ku soo dhaweeyay in ka badan lix Boqol oo ka mid ah kooxaha nabad diidka ah ee Khaatumo, kuwaasi oo wada hadal dheer ka dib maanta si rasmi ah ugu soo biiray ciidanka qaranka. Waxaanay wateen 13 Gaadiidka Tiknikadda ah.

Image 2013-07-21 1

Maleeshiyadan laxaadka leh ayaa iskugu jirta kuwo la qarameeyay iyo sida la sheegay kuwo la nabadeeyay.
Garaad Cabdilaahi Maxamed Guulleed oo ka mid ah isimmadda Beesha deegaankaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay maleeshiyadii ugu badnayd ay ku qarameeyeen ciidammadda qaranka Somaliland ka dib wada hadal dheer oo sida uu tilmaamay ay ka dhalatay is fahamImage 2013-07-21 2 buuxa.

Garaad Cabdilaahi Maxamed waxa uu intaasi ku daray inay ku qanacsan yihiin Somaliland, isla markaana ay safka hore kaga jiraan bulshadda difaacaysa qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay inay dadkooda dhinac ka raacayaan. Garaadku waxa uu u mahad naqay cid kasta oo ka soo shaqaysay hawshan midho dhashay.

u_105518d_2013-7-20-14-24-55f_tikniko

Horjoogihii ama Taliyihii watay ciidankan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida Somaliland u soo dhawaysay isla markaana uga midho-dhalisay wada xaajood muddo qaatay oo uu xusay inay la yeesheen xukuumadda Somaliland. Waxa uu carabaabay in diyaar u yihiin inay ciidanka qaranka ka mid noqdaan.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay madashaasi ayaa bogaadiyay maleeshiyadan oo ah tii ugu tiro badnayd ee ka soo goosata kooxaha nabad diidka ah, waxaanu tilmaamay in arrintani ay fursad wanaagsan siinayso dedaaladda xukuumaddu ku doonayso inay nabad waarta ka islaaxiso goboladda bari ee dalka.

Wasiirka madaxtooyaddu waxa uu u balan qaaday ciidankan cusub inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ay helaan ciidanka qaranka Somaliland. Waxaanu ku booriyay kooxaha baaqiga ku sii ah nabad diidka ah inay ka faa’iidaystaan fursadda nabada iyo horumarka.

Sidoo kalen waxa kulankaasi ka hadlay Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Taliyaha Ciidanka qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan Shaqalle.

Somalilandpost.net