Xukuumadda Somaliland oo Muddo Cayiman Joojisay Keenista iyo Ka-ganacsiga Qaadka

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay gebi ahaanba joojisay ka-ganacsiga iyo Keenista Qaadka laga soo waarido dalka Ethiopia, kaddib markii ay isku af-garteen Ganacsatada dalka keena oo maanta kulan dhexmaray.

Guddoomiyaha Guddiga Xakamaynta Xannuunka Covid-19 ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddiga, ayaa maanta shaaciyey in xukuumaddu joojisay ka ganacsiga iyo keenista Qaadka inta lagu gudo-jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, waxaanu sheegay in ciidamada Ammaanka la wareegi doonaan gaadiidka iyo hantida Cidda lagu qabto ee dalka Sharci-darro ku soo gelisa maandooriyaha Qaadka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu amaanay Ganacsatada Qaadleyaasha oo uu sheegay inay waddaniyad muujiyeen maadaama ay ku dhiirradeen oo aqbaleen kana garaabeen dhibaatada uu Shacabka ku keeni karo iyo muhiimadda ay leedahay badbaadada nolosha Dadka wax kasta laga horeysiiyo.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

 

Tallaabadan ayaa ka dambaysay kaddib markii kulamo dhowr ah oo dhexmaray Guddiga Covid-19 iyo Ganacsatada Qaadleyaasha laysku af-gartay in badeecaddani ka qayb-qaadanayso faafinta Caabuqa Coronavirus maadaama uu ka mid yahay waxyaabaha Isku keenaya dadka isticmaalaya oo inta badan wada-fadhiista goobo Mafrashyo ah.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net