Xukuumadda Somaliland oo Markii u horreysay muddo Rubuc Qarni ah Dalka ka Hirgelinaysa Adeegga Sanduuqa Boosaha

Hargeysa (SLpost)- Adeegga Boosta oo muddo 22-sanno ah ka maqnaa Somaliland, ayaa markii u horeysay laga hirgelinayaa dalka, ka dib qorshe wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland u dejisay in si rasmi ah looga Shaqayso adeegga Boostada.

Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxa ay shaac ka qaaday inay ka shaqaysiinayso waaxyso ka tirsan Wasaaraddaas oo markii hore magac ahaan u jiray iyo qaar cusub, kuna hawlan tahay qorshe lagaga shaqaysiinayo Waaxda Boosahaoo aan sidii Wasaaradda loo aasaasay la sameyn iyo tababaro loo fidinayo shaqaalaha ka hawl-gala wasaaaradda si aqoontooda loo kobciyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md Faysal Cali Sheekh oo madaxweyne Siilaanyo wasaaraddaas dhowaan u magacaabay, ayaa sheegay inay Wasaaraddu qaadanayso shaqaale cusub si loo tayeeyo Shaqada ay qabato iyo inay Xafiisyo ka furanayso Goboladda dalka oo dhan, si adeega maamulka Isgaadhsiinta dalka loo gaadhsiiyo.

Md Faysal Cali Sheekh oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu intaas ku daray in Dhismaha cusub ee wasaaradda loo dhisayaa uu bilow u yahay qorsheyaasha lagu dar dar gelinay shaqada ay Wasaaraddu qaranka u hayso oo aan halkii loogu tallo galay gaadhsiisnayn “Waxqabadkayaga waxaanu ka bilownay inaanu dib u habeyn ku sameyno shaqada wasaaradda, waxa dhawaan la dhagax dhigay Dhisme weyn oo Wasaaraddu dhisanayso, waayo kan iminka aanu ku jirnaa waa dhisme gaboobay, cid kuma qaabili kartid, waxaanu dhisnaa mudo dheer, wasaaraddana kuma filna,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh, waxaanu intaas raaciyay, “Dhismuhu marka uu noo dhamaado waxa noo qorsheysan inaanu sameyno Xafiisyo wasaaraddu ka furanayso Goboladda, inaanu kicino Fariin gudbiye qaranku yeelanayo (Post) oo muhiimad weyn u yeelan doona Isgaadhsiinta Qaranka iyo inaanu aqoonta shaqaalaha kor u qaadno oo tababaro loo furo shaqaalaha wasaaradda.”

Mar uu ka waramayay Waaxyo cusub oo ay wasaaradda ku soo kordhiyeen waxa uu yihi “Wasaaraddu waxay ka koobnayd Saddex Waaxood oo kala ahaa Waaxda Isgaadhsiinta,Waaxda Boosaha iyo Waaxda Maamulka , markaa waxaanu ku soo kordhinay waaxda Qorsheynta iyo Maamulka”.

Agaasimaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Faysal Cali Sheekh waxa kale uu sheegay in Xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta dalka, doonayaana inay sii wanaajiyaan wada shaqeynta ka dhaxaysa, si buu yidhi loo horumariyo Adeega Isgaadhsiinta dalka.

Agaasimaha Guud ee Boosaha iyo Isgaadhsiintu waxa uu ka hadlay isbeddel iyo dar-dargelin lagu samaynayo wasaaradda, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “sanadkan waxaanu doonaynaa oo qorshaha noogu jirta inaanu kordhino shaqaalaha wasaaradda oo aanu shaqaale cusub qaadano, si aanu u balaadhino shaqada wasaaradda,” ayuu yidhi Md Faysal Cali Sheekh.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkan dhagax-dhigay dhisme cusub oo loo samaynayo wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta oo labaatankii sanno ee u dambeeyey haylkeeda dhisme iyo horumarinteedu aad uga hooseeyey hay’adaha kale ee dawladda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net