Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Go’aan Lagu Mamnuucayo Joojinta Isticmaalka Iyo Ku Safarka Baasaboorka Somalia

(SL.Post) Shir maanta iskugu   yimaadeen  Wasiirada Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, Wasiirka Duuliska, Hawada iyo gaadiidka Cirka Farxaan  Aadan Haybe, oo  ay  wehelinayaan  Wasiiru Dawlaha Amniga Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Ciidamada Boliska Sareeye Guudo  Cabdillaahi Fadal Iimaan,  iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan Caalin ayaa  dalka lagaga  mabnuucay   Guud Ahaanba  in   lagu  joojiyey  Isticmaalka  Iyo ku  Safrida Baasaboorka Soomaaliya Ee Lagu  Sameeyo  Gudaha Somaliland.

IMG_0905-1024x683

Shirkan  oo  maanta  oo ay  taariikhdu  tahay  29/01/2017  ka    qabsoomay    xafiiska  wasiirka  Arrimaha gudaha ayaa  lagu   cusboonaysiiyey    qaraar   hore uga  soo  baxay  wasaarada arrimaha  gudaha  oo   mabnuucayey  qaadashada  iyo  isticmaalka  baasaboorka  lagu  sameeyo   ama laga  soo  saaray   goob  kamida   gudaha  dalka  Somaliland.

 

Go’aamada   Wasiiradu  isla  qaateen  waa  sidan  hoos  ku  qoran:

 

1-In  gabi  ahaanba  la  joojiyo  qaadashada , istimaalka  iyo  ku  safarka  baasaboorka  soomaliya ee  kazoo  baxay  ama  ku  qorantahay  in lagu  sameeyey   goob  kamida  dhulweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  laga  bilaabo January 2017.

 

2-  Dhamaan  Shirkadaha  safarka iyo diyaaradaha ( Airlines and  Travel Agencies) kuma  jari karaan  tigidh  baasaboorka  kor  ku  sheegan  ee la  mamnuucay Isticmaalkiisa.

 

3-  Dhamaan  laamaha  Socdaalka  iyo   Amniga waxa  la farayaa  in aan   baasaboorkan dalka  lagu   soo  gali Karin lagagana  bixi  Karin.

 

 

Scan-745x1024

Somalilandpost.net