Xukuumadda Somaliland oo Qaaddacday wada-hadal u qorshaynaa inuu Dhex maro Soomaaliya iyo sababaha keenay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shaaciyey inay xukuumadda Somaliland laashay wada-hadalladii u qorshaysnaa inay la yeeshaan Dawladda Soomaaliya isaga oo ku sababeeyey laba qodob oo aanay Somaliland u suurto-galinayn inay ka qayb-gasho wada-hadallada

Wasiirka oo u warramay idaacadda BBC baahinteeda duhurnimo, waxa uu ku sheegay in Xukuumadda Somaliland qaaddacday wada-hadallo ay la yeelato Somaliland maadaama ergada wada-hadallada Somaliya u metelaya ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha Wasiirrada maamul-goboleedka Puntland balse deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in wada-hadalku u dhexeeyo laba qaybood oo kala ah Woqooyi iyo Koonfur wixii laysku odhan jiray Soomaaliya isla markaana ay dawladda Somaliland ogolaanayn inay wada-hadal la gasho maamul-goboleed Soomaaliya ka tirsan.

“Waxaanu u wada-hadlaynaa sidii waddankani ahaan jiray ka hor intii aan laysku biirin 1 Julay, 1960kii. Somaliland waxay jeceshahay, sidii beesha caalamkuba ku baaqday,  inay wada-hadlaan Somaliland iyo Somalia, kana wada-hadlaan waxyaabo fara badan oo ka dhaxayn jiray. Maaha in dad dhulkayaga ka mid ah lagu daro guddiga oo dhinaca kale ay ka soo jeestaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha debedda Somaliland.

Wasiirrada ku jira ergada Soomaaliya ee ka kooban 7-da xubnood oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland  isla markaana uu maamul-goboleedka Puntland sheegto, waxa ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay inay ka laba sababood oo ay ku qaaddacday wada-hadalka Soomaaliya.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan magacowday xubno diyaarinaya  wada-hadallada Soomaaliya kuwaas oo ka kooban 5 xubnood oo golaha wasiirrada ka tirsan.

SLpost News/Hargeysa