Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Xaaladda Tukaraq oo Saaka Ciidamada Qaranku la wareegeen

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay dagaal saaka Tuulada Tukaraq ee gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo Ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo maamulkaasi ka waday.

Dagaalka saaka ayaa la sheega inuu ka dhashay kaddib markii ciidamada Somaliland weerar ku qaadeen tuulada Tukaraq oo ku taala meel u dhow xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen Ciidamada Puntland, waxaanay xukuumadda Somaliland masuuliyaddeeda ku eedaysay dowladda Somalia oo ay sheegtay inay faro-gelin ku hayso deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo maanta saxaafadda la hadlay, waxa uu sheegay inaanay Somaliland mar dambe u dul-qaadan doonin faro-gelinta iyo daan-daansiga ay ka waddo deegaannada Somaliland.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN