Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Weerarkii Todobaadkan ka dhacay Magaalada Muqdisho

Somaliland flagHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay weerarkii Jimcihii todobaadkan lagu qaadey Huteelka Central ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen Masuuliyiin badan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya isla-markaana ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 50 qof oo uu ku jiro Raysal-wasaare ku xigeenka dalkaasi, Maxamed Cumar Carte.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyey Bogga Facebook ee Wasaaradda Arrimaha dibaddu, ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo khasaare badan dhalliyey uu shacabka reer Somaliland ka naxay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland Tacsi u dirayso qoysaskii dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxaana inta dhaawaca loogu rajeeyey caafimaad-qab.

Qoraalka Tacsida ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland kaga hadashay weerarkaasi oo masuuliyaddiisa Al-shabaab sheegatay ayaa u dhignaa sidan “Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka argagaxeen kana murugoodeen maqalka weerarkii Lagu qaadey Huteelka Central iyadoo Salaaddii Jimcaha lagu jiro.”

“Waxaanu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku dhintay weerarkaasi, waxaanuna caafimaad u rajeynaynaa oo aanu ducaynaynaa kuwa ku dhaawacmay,”ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda.