Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Taawarrada Isgaadhsiinta iyo Qorshe siyaasadeed oo loo dejiyey

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Biraha (tower-rada) shirkadaha Isgaadhsiintu ka dhex-taagaan gudaha magaalooyinka, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa oo ah meesha ugu badan ee taawarradu ka taagan yihiin, kuwaas oo inta badan bulshadu cabasho ka muujiyaan.

 

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Technology-yadda Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan garowsan yihiin saamaynta ay leeyihiin tirada Taawarrada Isgaadhsiinta ee gudaha magaalooyinku ay ka badan yihiin intii loogu talo-galay, waxaanu xusay qorshe xukuumad ahaan uga meel yaalla sidii loo qaabayn lahaa Taawarrada.

Wasiirka Isgaadhsiinta

Wasiirku waxa uu shirkadaha isgaadhsiinta uga digay inay gudaha magaalooyinka ka hirgeliyaan taawarro cusub, waxaanu ugu baaqay inay wasaaraddiisa ku war-geliyaan hirgelinta taawarrada cusub si loo daraaseeyo loona qorsheeyo goobta ku habboon ee laga hirgelin karo.

 

“Waxaannu uga baahannahay shirkadaha isgaadhsiinta inay wasaaradda la soo socodsiiyaan markay la soo dagayaan qalabka isgaadhsiinta. Sidoo kale waa inay wasaaradda la soo socodsiiyaan Taawarrada intaanay hirgelin ama dhisin,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta oo maanta xafiiskiisa ugu warramay warbaahinta dalka qaarkeed.

 

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Tirada taawarrada ee magaalooyinkeenna ka dhex-taagan aad bay u badan yihiin. Waxa khalad ah in shirkad waliba taawar ay leedahay taagato. Adduunka waxa la sameeyaa shirkaduhu way wadaagaan Taawarrada, tusaale ahaan haddii xaafad looga baahan yahay adeeg isgaadhsiineed, waa inay shirkaduhu ay wadaagaan hal taawar, halka immika laba iyo saddex layska ag taagayo,”

Wasiirka oo ka hadlayey saamaynta caafimaad ee ay bulshada ku leeyihiin taawarrada Isgaadhsiintu, waxa uu yidhi, “Waxa jira qalab lagu qiyaaso inuu sax yahay Radiations-ka (Shucaaca) ka soo baxaya iyo inaanu ahayn. Hay’adaha WHO iyo ITU waxay sameeyaan qiyaas kala duwan oo ah Radiation-ka (Shucaaca) soo baxaya in la aqbali karo ayaa ka jira.”

 

Mar uu ka hadlayey Qorshaha xukuumad ahaan uga meel yaalla nidaaminta taawarrada isgaadhsiinta ee magaalooyinka dalka, waxa uu yidhi, “Qalabkii lagu qiyaasayey gacanta ayaanu ku haynaa, markaa ilaa aanu qalabka keeno oo aanu qiyaasi karno Radiation-ku inuu yahay kii loo baahnaa iyo in kale ma go’aamin karno, laakiin waxaan kuu sheegi karaa in tirada taawarradu ay aad iyo aad inoogu fara badan yihiin oo xadkii loo baahnaa ka bateen. Tusaale ahaan haddaynu Hargeysa uga baahannahay 40 taawar, immika waxaabad arkaysaa inay 80 ama 120 wax ku dhawi ka taagan yihiin, waayo shirkad waliba iyadaa taawarkeeda gaar taagaysa iyadoon aan la wadaagayn shirkadihii kale.”

 

Isagoo Hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Markaa Wasaarad ahaan waxa noo siyaasad ah in la sameeyo kaabayaal isgaadhsiineed oo shirkaduhu wadaagaan.”

 

 

Dhanka kale, wasiirku waxa uu soo bandhigay inay jiraan sharci-jebin ay ku tallaabsadeen qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta oo uu sheegay inay baal-mareen heshiis hore u dhexmaray xukuumadda kaas oo lagu xaddiday xaddiga lacagta Dollar-ka ee laga diri karo adeegyada lacagaha lagu keydsado ee telefoonnada gacanta, iyadoo qorshahaasi ahaa tallaabo lagu xakamaynayo sicirka bararka maceeshadda iyo Sarrifka lacagaha qalaad.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay jiraan warar dhinacooda soo gaadhay oo ah inay shirkadaha qaarkood baalmareen heshiiskaas isla markaana adeegyadooda Isku-dirista lacagta ee telefoonnada laga xawili karo lacag ka yar 100 dollar oo ah xaddiga ugu yar ee lagu sar-gooyay in laysku xawilo. Waxaanu wasiirku ku gooddiyey inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan shirkad kasta oo ay ku caddaato inay baal-martay go’aannka arrintan laga qaatay.

 

 

Somalilandpost News Desk

Editor@somalilandpost.net