Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Sababta Ay U Joojiyeen Bandhig-faneed Fanaanada Nasteexo Indho Qaban Lahayd

Hargeysa  (SL.Post) Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi  Axmed, ayaa ka hadlay sababta keentay in Fanaanada Nasteexo Maxamed Warsame (Nasteexo Indho) looga hor istaago inay bandhig faneed ku qabato magaalada Hargeysa.

 

 

 

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil oo warbaahintu ay maanta wax ka weydiisay arrintan, waxa hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaad maqasheen maalin dhaweyd inay Madaarka Hargeysa ka soo degtay Gabadh Fanaanad ah oo la yidhaahdo Nasteexo Indho, Inantaa Fanaanada ahi waxay iclaamisay oo ay shaacisay inay bandhig faneed qabanayso, bandhig faneedkaas iyadoo aan cidna soo wargelin oo Wasaaradihii khuseeyay marin ayay bandhigtat. Markii Warbaahinta laga daawaday  oo culimadu markii ay daawadeen Wasaarada diinta iyo awqaafta ayay u yimaadeen iyaga oo cabanaya oo leh waxaasaa jira iyo dhibtaasaa jirta oo Wasaarad ahaan aad nala eegtaan si aanan anagu gacanta sharciga ugu qaadan oo aanan khudbadaha Jimcaha kaga hadlin.” ayuu yidhi Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa