Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Khilaafka Maamulka Hawada ee u dhexeeya Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay khilaafka dhinaca Maamulka Hawada ee u dhexeeya Soomaaliya, kaas oo sababay in maamulka Muqdisho sheegtay ku-tagri-falka awoodda maamul ee Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Somaliland waxa ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya faro-gelin joogto ah ku hayso maamulka Hawadeeda, sidaas awgeedna looga baahan yahay maamulka Muqdisho inay faraha kala baxdo oo dhowrto derisnimada maadama ay yihiin Laba dowladood oo deris ah.

Mareeyaha Duulista iyo Hawada ee Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol, oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen.

Duuliye Sare Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda  leedahay Xukuumada Somaliland.

Maareeyuhu waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeyay inay ka faa’iideysaneyso nidaamka caalamiga ha ee ka dhaxeeya dunida, inkasta oo aanu si cad u carabaabin, balse uu xusay in dawlada Soomaaliya ay isku dayayso inay khal-khal galiso arrinkaasi.

 

 

Hadalka Maareeyaha ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay xayiraad saartay duullimaadyada diyaaradaha imanaya garoomada diyaaradaha oo Somaliland ku jirto sababo la xidhiidha ka-hortagga caabura CoronaVirus, waxaana Khamiistii dorraad gebi ahaan joogsaday duullimaadyadii ay Garoonka Hargeysa ku imanaysay diyaarado ay ka mid tahay Ethiopian Airlines.

Haseyeeshee, Sabtida maanta ayaa diyaaradda Ethiopian Airlines soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay si rasmi dib uga bilowday duulimaadyadeedii.

Ethiopian Airlines, ayaa hore u shaacisay inay joojisay duullimaadyada ay ku tagi jirtay magaalada dalkaasi Soomaaliya, balse ay sii wadayso dulimaadyadeeda garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland