Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Idaacad Sharci-darro ah laga dhegayso Gudaha Hargeysa oo ay ku fashilantay gacan-ku-dhigisteeda

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Idaacad Sharci-darro ah laga dhegayso Gudaha Hargeysa oo ay ku fashilantay gacan-ku-dhigisteedaHargeys (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay Idaacad FM ah oo muddooyinkii u dambeeyey laga dhegaysanayey magaalada Hargeysa, taas oo aan la aqoonsanayn cidda iska leh iyo meesha ay xarunteedu ka tahay magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland iyo Qaybo badan oo ka mid ah shacabka Caasimadda, ayaa todobaadyadii u dambeeyey ku jaah-wareersanaa Idaacadda FM-ta ah oo magaceeda la yidhaahdo BAADI-GOOB, taas oo xilliyada habeenkii laga dhegaysto gudaha Caasimadda.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo uu kaga xog-warramay kulan dhexmaray isaga iyo Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland.

HALKAN KA DAAWO