Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Heshiis Dawladda Somalia Shirkad Ajanabi ah Kula Gashay Ilaalinta Ammaanka Xeebaha

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Heshiis dawladda Somalia shirkad Ajanabi ah kula gashay ilaalinta Ammaanka Xeebaha Dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya, kaas oo ay ku tilmaantay mid ku kooban Dawladda Muqdisho, balse aan khusayn Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland ka adagtahay ilaalinta ammaanka Xeebaheeda isla markaana ay leedahay Ciidamo gaar ah oo qaabilsan ilaalinta Xeebaha, kuwaas oo maamul ahaan hoostaga wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 “Somaliland baddeeda iyadaa u madax-banaan, shirkado lagu wareejiyeyna ma jiraan, cid kale oo wax ku wareejin kartaana ma jiraan.  Badduna waxay hoos timaaddaa wasaaraddan arrimaha gudaha, anigaana ka madax ah, annaguna cid kale oo aan wax uga ogollahayna ma jiraan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde.

Wasiirku waxa uu sheegay inaanu qorshahaasi khusayn Somaliland, “Anigu waxaan filayaa inay fulinayaan heshiiskii Kampala (Kampala Acode), taasina maaha mid Somaliland khusaysa,” ayuu yidhi Md Waran-cadde.

Shirkadda Dawladda Soomaaliya  heshiiska la saxeexatay oo lagu magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group  oo fadhigeedu yahay dalka Holland,  ayaa sidoo kale dalkaas ka caawinaysa dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada Badda.

Warqad qoraalka ah oo muujinaysa heshiiska ay wada gaadheen Soomaaliya iyo shirkadda fadhigeedu yahay wadanka Holand, ayaa waxybaaha lagu xusay waxa ka mid ah  muhimadda ay leedahay aasaaska nidaam sahlaya ilaalinta xeebaha Soomaaliy taasi oo ahmiyad u ah inla helo sharci lagu xakamaynayo dhibaatooyinka ka taagan biyaha Soomaaliy iyo horumarka ilaha dhaqaalaha.

Waxyaabaha gundhigga a u ah ama ugu muhiimsan heshiiskan oo looga gol leeyahay dhismaha shaxda ilaalinta xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah In lala socdo ilaha dhaqaale ee gaarka ah, la socodka dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha, difaaca kalluumaysiga sharcidarrada ah ee Maraakiibta ajaanibta iyo ka hortagga sunta lagu daadinayo xeebaha dalkaasi Soomaaliya.

SOMALILANDPOST.INFO