Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Eedayn Culimada Boorama u jeediyeen Badhasaabka Gobolka Awdal

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Shaacisay in Badhasaabka gobolka Awdal Maxkamad la soo taagayo haddii ay ku Caddaato inuu Diinta caayey, sida ay ku eedeeyeen Qaar ka tirsan Culimada magaalada Boorama.

Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Boorama, ayaa Warbaahinta la hadlay, waxaanu sheegay in eedaynta Culimada Boorama qaarkood u jeediyeen Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay sheegeen inuu Diinta caayey ay u baahan tahay caddayn dhammaystiran, haddii ay ku caddaato in Badhasaabku Caayeyna ay Maxkamad horgeyn doonto dowladdu.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose