Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Doorashada Berri, Xisbiyada iyo Shacabka-na Baaq u jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta Somaliland, ayaa guud ahaan shacabka iyo gaar ahaan codbixiyeyaasha ka qayb-qaadanaya doorashada madaxweynaha ee maalinta Berri loo dareerayo ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada isla markaana si habsami leh uga qayb-qaataan codeynta, ciidamada ammaankana ku taageeraan ilaalinta ammaanka.

wasiirradaWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Saxardiid (Caddaani) oo siyaabo kala duwan xafiisyadooda kula hadlay warbaahinta, waxa ay shacabka iyo Xisbiyadaba ugu baaqeen inay meel uga soo wada-jeestaan Qaranimada, danahooda gaarka ahna ka horeysiiyaan danta Guud si looga midho-dhaliyo Natiijada Doorashada iyo Rejada Beesha Caalamka ka filayso.

HOOS KA DAAWO  MUUQAALLADA LABADA MASUUL OO WARBAAHINTA LA HADLAY

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire
https://youtu.be/MFHuNbTE8Do

Wasiirka WArfaafinta iyo Wacyigelinta, Cismaan Saxardiid