Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Ciidamo ka tirsan Qaranka oo u goostay maamul-goboleedka Puntland

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay ciidamo ka tirsan Ciidanka Qaranka, kana hawl-gali jiray fadhiisimada gobolka Badhan, kuwaas oo isu-dhiibay isla markaana u goostay dhinaca maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in xukuumaddu sharciga la tiigsanaysa Askarta ka tirsan Ciidanka ee tallaabooyinka noocaas ah sameeya.