Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay aragtideeda Ansixinta dastuurka dalka Somalia, kana digtay Farogelin lagu hayo gudaha Somaliland

Maxamed Cabdilaahi

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka jawaabtay saamaynta ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo Ergooyinka ka qay-galay ansixintiisa ee deegaan ahaan Somaliland ka soo jeeda, waxaanay ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay faro-gelinta ka daayaan gudaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha debedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlayey qaabka xukuumaddiisu u aragto dastuurka cusub ee loo ansixiyey dalka Soomaaliya, waxa uu xusay inay xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin hawlaha dib udhiska iyo horumarka Soomaaliya, balse ay dawladda Somaliland faro-gelin toos u samaysay gudaha Somaliland.“Marka ugu horreysa aad-baanu ugu faraxsan nahay hawlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya iyo shuruucda iyo hay’addaha qaranka ay  Soomaaliya ku samaynayso, sidii nabadgeliyaddeeda iyo dalkeeda iyo ummadeed u aslaaxiso.Waayo in badan Soomaliya waxaa ka tagnayd amni -darro iyo xukuumad la’aan iyo kala dambayn la’aan.”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxaa uu sheegay inay Soomaaliya fara-gelinta tooska ah ka dayso Somaliland isagoo arrimah ka hadlay wuxuu yidhi, “Hase-yeesha wax kale oo noo muuqata arrimo aanu u arkayno faro-gelin halka (Somaliland), metel waxaanu maqlaynay ergooyin ka socda magaalooyin iyo degmooyin ka mid ah jamhuuriyadda Somaliland oo ay Somalia sheeganayso inay ka qaybgaleen shirka ka socda Somalia arimaha xag xadka iyo goboladda ee distuurkan Somalia loo samaynayaa sheeganayo.Waxaanu arrimaha u aragnaa faro-gelin toos ku ah jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna beesha caalamkan aanu u sheegaynaa in arrinta la joojiyo waxay keeni karta caqabad hor leh iyo amni xumo hor leh oo ka dhacda geeska afrika.”Sidaa ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar waxaanu hadalkiisi sii raaciyey “Dhinac kale Somaliland waa dal madaxbannaan oo sharciyo iyo distuur  ayuu dalkani ku dhisan yahay iyo golayaal qaran  arrimihiisan sida ay beesha caalamku ka war hayso wuxuu u maamusha si madax bannaan oo gaar ah.Inkastoo weli Somaliland helin ictiraaf taam ah oo siyaasadeed, hase-yeeshee Somaliland ictiraafku mushkulad weyn oo uu hadda kala maqan yahay ma jirta waa dal madaxbannaan dunidu kala shaqayso. Waxaanu Soomaaliya ugu baaqayna inay arrina ixtiraamto oo aanay horin nabadgeliyo xumo cusub oo geeska afrika ka dhalata .

Wasiirku wuxuu sheegay in arrimaha distuurka ee Soomaaliya lagu ansixiyey ay iyaga gaar u ahayd isagoo arimah ka hadlay wuxuu yidhi “Arrimahaasi waxay ahayeen dodo u gaar ah Soomaaliya oo ku salaysan waxan loo yaqaano dariiqa nabadda ama Road Map-ka oo aanay Somaliland xubin ka ahayn kana qaybgelin kana mid ahayn, horena mowqifkeeda  ayay marar badan Somaliland caalamka iyo Somaliyaba u caddaysay Somaliland iyo Somaliya waxa la filaya dhawaan marka dawlad loo samayo Soomaaliya in waddahadaladii laba geesood inay dib u bilaabmaan oo laga waddo hadalo.Somaliland iyo Somaliya waxa ka dhexeeya wadahadal dhexmara oo beesha caalamkuna goob joog ka tahay, wadahadaladan anigu ujeedadaydu maaha sida aanu ka maqalay siyaasiyiin Soomaaliyeed waxa laga waddahadalay midow Soomaaliyeed maaha, waxaanu ka hadlaya ixtiraam iyo oggolaansho uga helo jaar wanaag iyo qadiyadda madaxbannada Somaliland ee ay shacabkeedu goosteen ee distuurig ah oo ummadan iyo dalkani difaacayo oo uu ilaalinayo.

 “Hase-yeeshee wixii wadahadaladda ka badan ee hadal ah ama sheegasho ah oo haddii ay tahay goboladda Somaliland iyo haddii ay tahay xubno la sheegayo ergooyin intaba waxay u muuqadan faro-gelin,faro-gelintuna waxay keenta colaad hor leh.Anigu waxaanu nahay dal jaar wanaaga ilaaliya nabadgeliyo kula nool waddamadda geeska, waxaanu jeclahay inay Soomaaliya arrinta aad iyo aad u ilaaliso.”

Wasiirku waxa kale oo digniin u diray dadkii ka qaybgalay ansixinta distuurka Soomaaliya oo sheegay in sharciga la soo taagi doono cida lagu helo arrintaas, “Dhinaca kale ergooyinka la sheegayo inay ka soo jeedan meelo ka mid ah Somaliland oo ay ka qaybgalayaan shirkan waxaanu xusuusinaynaa inuu dalkan leeyahay sharci aanu oggolaananay in dad dalkan u dhashay in si sharcigga ka baxsan u metal shacabkan iyo dalkan oo aan lagu qaaday cida ay ku cadaato arrintaasi.”Sidaasi wuxuu wasiirku ku sheegay mar uu maanta u waramayay Idaacadda BBC-da

 SomalilandPost.net

Hargeysa/Somaliland