Xukuumadda Somaliland oo ka digtay Khatarta Mashruuc Malaayiin Dollar ku baxayso oo Dowladda Soomaaliya Arrimo Siyaasadeed uga faa’idaysanayso

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa beesha Caalamka ee Dhaqaalaha ku taageerta Soomaaliya uga digay inay ka fiirsadaan Taakuleynta Dhaqaale ee ay siiyaan oo ay xustay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uga faa’idaysanayso Dano Siyaasadeed oo lagu waxyeelaynayo ammaanka iyo madax-bannaanida Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxa ay si adag uga digtay Mashruuc loogu magac-daray Baxnaano oo Malaayiin Dollar ku baxayso, kaas oo uu dhawaan Xadhigga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana loogu talo-galay in lagu taageero Qoysaska Danyarta ah, iyadoo dowladda Soomaaliya-na xustay in mashruucan laga fulin doono qaybo ka mid ah gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland, ayaa baaq loogu diray Beesha Caalamka oo lagu wargeliyey inuu Mashruucaasi khatar ku yahay Xasilloonida iyo madax-bannaanida Somaliland isla markaana ay dowladda Soomaaliya deeqa beesha Caalamka uga faa’idaysanayso Ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku war-galinaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka in barnaamijka Maamulka Muqdisho u la magac baxay Baxnaano, kuna sheegay in qaybo ka mid ah uu ka fulin doono deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragalin qaawan oo waxyeello
ku ah amniga Somaliland, isla markaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinayo bulshada caalamka.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa ay xukuumadda Somaliland digniin u dirtay Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaanay tidhi, “Dawladda Somaliland wax ay u ga digaysaa Maamulka Muqdisho isku-dayga taagta daran ee uu ku rabo in uu ku faragaliyo qarannimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay cod dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkaasi ka waantoobo sheegashada caalwaaga ah ee xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.”

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Dawladda Somaliland waxa ay si gaar ah uga codsaneysaa Baanka Adduunka in uu ka fiirsado deeqaha la siiyo maamulka aan masuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya kaas oo caadaystay in uu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka aadame ee adduunka ujeeddooyin gaar ah, iyo kuwo siyaasadeed oo lagu khalkhal galinayo amniga iyo xasilloonida Somaliland.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay digniin u dirtay Cid kasta oo isku dayda in mashruucaas laga fuliyo gudaha dalka, “Ugu dambayn, dawladda Somaliland waxa ay si adag ugu digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka noqoto isku-dayga fulinta mashaariicda ka hor imanaya madaxbannaanida Jamhuuriyda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net