Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay Ka Qayb-galka Shir Uu Ingiriisku Martigalinayo

(SL.Post)  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in aanay Somaliland khusayn shirka ay martigalinayso dawladda Ingiriisku ee bisha fooda innagu soo haysa lagu qaban doono magaalada London.

Dr.-Sacad-Cali-Shire-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dr. Sacad oo shalay la hadlay warbaahinta, waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay shirkaasi lagu qabanayo magaalada London, waxaanu sheegay in Somaliland aanay ka qaybgali doonin shirarka loo qabanayo Soomaaliya, waxa  uu uga digay hay’adaha samafalka iyo ganacsatada reer Somaliland in aanay ka qaybgalin shirkaas.

Wasiirku waxa uu xusay in shirkani la mid yahay shirarkii ka horreeyay ee loo qabtay Soomaaliya ee Somaliland aanay ka qaybgalin, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi;  “Shirkaas Soomaaliya ayaa loo qabanayaa, Somaliland-na Soomaaliya kama mid aha.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibada Somaliland

Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu intaasi ku daray; “Shirkaasi maaha shir ina khuseeya, horana ugamaynu qayb galin shirarka loo qabto Soomaaliya ee ka horreeyay shirkan, kii Istanbul, kii Biljamka, iyo kii Copenhagen lagu qabtayna kamaynu qayb galin, hay’adaheenna samafalka iyo ganacsatadeedana waxaan u soo jeedinayaa in aanay ka qaybgalin shirkaas lagu qabanayo magaalada London ee uu qabanayo dalka Ingiriiska iyaga oo matalaya Somaliland.”

Somalilandpost.net