Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Mucaawinadii Somalia Iyo Wariye Col-doon Oo Cafis Madaxweyne Lagu Sii Daayay

(SL.Post) Wasiiska Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid  (Cadaani), oo warbaahinta goor-dhaweyd la hadlay ayaa sheegay in kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland lagu go’aamiyay in la celiyo lacag cadadeedku yahay 200, 000 Dollar, taas oo dawladda Somaaliya ugu tallo-gashay Maamul goboleedyada Somaaliya, waxaanay arrintaasi Xukuumadda Somaliland ku tilmaantay mid quudhis ah oo meel ka dhac ku aha jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

18698324_1309360799177770_892927590796348821_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiir Caddani waxa kaleoo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo cafis u fidiyay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo hore Maxkamadda gobolka Maroodjieex ugu xukuntay laba sannadood oo xadhig, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal ka dhan ah qaranimada Somaliland.

 

Halkan  ka daawo faah-faahinta Warkan.

Somaliladpost.net