Xukuumadda Somaliland oo Jawaab ka bixisay Hadal Naxli Xambaarsan oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya

Wasiirka Madaxtooyada oo Shacabka ku dhiirri-geliyey Diiwaangelinta Madaniga ah, Shaaciyeyna wakhtiga la diiwaangelin doono Dadka Ajaanibka ah ee dalka ku sugan

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal todobaadkan ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dooday in gobollada Sanaag iyo Sool ee Bariga Somaliland ay taabacsan yihiin Dawladdiisa isla markaana ay ka soo horjeedaan in dawladda Somaliland ka taliso deegaannadaas.

DSC_0248Xukuumadda Somaliland waxa kale oo ay si adag uga hadashay faro-gelin siyaasadeed iyo mid milatari oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud ku hayso deegaanno ka tirsan Somaliland iyo sidoo kale dacwad la sheegay inay u gudbiyeen waddammo ka tirsan Qaaradda Yurub oo Somaliland ka taageera Dhaqaale ku baxa Doorashooyinka iyo Diiwaangelinaha dalka, iyaga oo u sheegay inay joojiyaan kharashka doorashooyinka iyo Diiwaangelinaha.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dhismaha qaranimada iyo jiritaanka dalka Somaliland ku tiirsan yahay go’aanka shacabkiisu ku gaadheen madax-banaanida iyo inay dalkooda iyo dawladnimadooda dhistaan, isaga oo dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay caddaysatay cadaawad ay u hayso shacabka iyo dawladda Somaliland.

“Dawlada Xamar waxay cadaysatay Cadaawada ay u qabto Somaliland iyo dadkeeda, lana yaabi-maayo oo waa ku shalay “Nin ku dilay hadh kuuma jiido” waxaanan ku kalsoonahay in dadkaygu si wacan u kala garanayaan cadawga iyo nasteexa oo aan mar danbe la dagi-doonin,” Sidaas waxa uu wasiir Xirsi ku sheegay qoraal uu kaga hadlay faro-gelinta siyaasadeed ee Somaliya iyo Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu sheegay in ololaheedu guud ahaan ka socon doono dalka muddo saddex bilood ah inta ka horeysay Diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.

“Dadka reer Somaliland waa dad xor ah oo xaq u leh madax-banaanidooda, waxaa diwaangelintana lagu sugi doonaa dadka muwaadiniinta ah ee dalkan iska leh, Xamar halka kama taliso Xasan Sheekh-na waxba laga waydiin maayo diwaangelinta medeniga ah ee Somaliland. Odhaahda Xasan Sheekh ee sheegashada Gobolada dalkani waa hadal meel-waayay oo ismoodsiis ah,” ayuu yidhi Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ahi u suurto-galinayso shacabka helitaanka adeegyada aasaasiga u ah noloshooda ee ay ka mid yihiin nabadda, Shaqooyinka, Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaanu ugu baaqay inaanay u kala hadhin diiwaangelinta isla markaana ay ku gacan siiyaan Wasaaradda iyo hawl-wadeennada fulinaya hawlaha diiwaangelinta Madaniga ah oo la filayo inay ka bilaabanto dalka todobaadyada soo socda.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Diwaangelintii Medeniga ahayd (National ID Registration System) si fiican ayay u billaabantay, way soconaysaa waanay guulaysanaysaa Insha Allaahu waxaan dadka reer Somaliland ugu baaqayaa in ay is diwaangeliyaan oo dhamaanteen aynu is barbar-taagno wassaaradda Arimaha Gudaha iyo farsamo yaqaanada ku hawlan hirgelinta arrintan.”

Md Xirsi Cali waxa uu sharraxay Shuruudaha iyo jarran-jarrooyinka ay diiwaangelinta Madaniga ahi maro doonto, isaga oo sheegay in la diiwaangelin-gelin doono dhammaan dadka Ajaanibka ah ee dalka ku sugan marka la dhammaystiro hirgelinta Diiwaangelinta Madaniga ah ka dib muddada saddexda bilood ah ee ololaheeda loogu talo-galay.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Reer Somaliland waxaan leeyahay Diwaangelinta inagaa leh, dawlada iyo dadkeeda ayaa wadaya kana talinaya, waxaana loo qorsheeyey in la diwaan geliyo dhamaan wixii ka wayn 15 jir ee muwaadin ah, mudo 3/4 Bilood ahna waxaa lagusoo gebagebayn doonaa ollolaha diwaangelinta medeniga ah. Halkaana kuma joogsanayso waxay socondoontaa weligeed oo wixii dhashana waa lagu daridoonaa wixii dhintana waa laga saari-doonaa waxaana maamuli doona Maamulada Dawladaha hoose ee dalka.

Ka dib marka ay dhaqan-gasho diwaangelinta medeniga ahi waxaa la diwaangelin doonaa dadka aan dalka u dhalan ee u jooga nidaam u gaar ah.”

Ugu dambayntii, waxa uu wasiirku shacabka xusuusiyey in diiwaangelinta Madaniga ah dhammaystirkeedu ay tahay tallaabada u dambaysa ee ay ku xaqiijin karaan Dhismaha Qaranimadooda, Waxaanu yidhi, “Dadka reer Somaliland waxay u sahli doontaa diwaangelintu adeegyada Asaasiga ah ee Kor-u- Nabadgelyada, Goobaha Waxbarashada, Socdaalka, Goobaha Caafimaadka, Goobaha Shaqada iwm. waxaan leeyahay muwaadiniinta ka faa’iidaysta inta ay bilaashka tahay ee ay sahlan tahay.”

“Diwaangelinta Medeniga ah waa talaabada u dambaysa ee aynu ku xaqiijinayno Qarankeena Qaan-gaadhka ah,” Sidaas ayuu wasiirka Madaxtooyadu ku sheegay qoraalka uu arrimahan ka hadlayey ee lagu baahiyey bogga uu Internetka ku leeyahay ee guusha.com.

SOMALILANDPOST.NET