Xukuumadda Somaliland oo Hakisay Wejiga 1aad ee Mashruuc lagu Tirakoobayo Dadweynaha

Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay Somaliland hakisay wejiga 1aad ee mashruuc lagu tira koobayey dadka ku dhaqan Somaliland,kaas oo ay Waday Hay’ada UNFPA isla markaana ay ka soo baxday Tiro ka duwan tiradii la filayay.

Sacad Cali Shire
Sacad Cali Shire

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali shire, oo la hadlayey war-baahinta ayaa Sheegay in Wasaarada Qorshaynta Qaranku ay u xilsaaran tahay inay hesho Xog-ururin rasmi ah, sidaas darteedna ay hay’adaha caalamiga ah ka codsadeen in ay ka caawiyaan Xog-ururin lagu samaynayo  dadka.waxaanuu xusay inay hay’adda UNFPA ay arinkaa ka aqbashay.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in xog-ururintani ay ahayd sahan lagu qiyaasayo sidii loo heli lahaa tira koob dhab ah,taasi oo laga sameeyey Somaliland, iyo somaliya.waxaanuu sheegay in Somaliland sahankan  laga Sameeyay dhinaca Guryaha ,halka Dhinaca Somaliyana loo tiriyay Qoys ahaan.

Somalilandpost.net