Xukuumadda Somaliland oo Hadashay Shaqaaqo Laba Beeleed ku Dhexmartay Gobolka Sanaag

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa hadashay Iska-hor imaad Hubaysan oo sababay dhimasho iyo Dhaawac oo laba beellood ku dhex martay deegaanka Waqdariya oo ka tirsan degmooyinka Bariga Gobolka Sanaag.

Wasiirrada Wasaaraddaha cadaaladda iyo dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax iyo Yuusuf Mirre Maxamed oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa baaq u diray hormuudka iyo dhaqanka beelaha xiisaddu dhex martay, kuwaasoo ay baaqeen inay ka hawl-galaan soo-afjaridda iyo xakamaynta xasilooni-darrada iyo khilaafka sababay iska-hor- imaadka hubaysan.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose