Xukuumadda Somaliland Oo Hadashay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Laba Beelood Ku Dhex-maray Deegaanka Ceel-afweyn

Hargeysa (SL.Post) Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland  Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa goor dhaweyd oo uu warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu ka hadlay dagaal laba beelood ku dhexmaraya deegaanka DOGOBLE ee Ceel-afweyne, waxaanu sheegay in Xukuumadda ay ka hawl-gashay xal u u helida shaqaadaasi.

 

IMG_685E06-B35C1A-FB7560-BC2CD1-494684-813FAB

 

“Dagaalkaasi shalay Galab ayuu bilaabmay, dad badan baa ku dhaawacmay, dadna wey ku dhinteen. Dawladdu wey ka hawl-gashay ilaa xalay fiidkiiba ii ciidamada Milatagariga iyo Booliskaba waa la dhaqaajiyay , xaga Ceerigaabo waa laga soo dhaqaajiyay, xagan Oogna waa laga dhaqaajiyay oo xaga Sool iyo Xuduna waa laga soo dhaqaajiyay, meelo kala duwana waa laga amray.” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Yaasiin X. Maxamuud Xiiri (Faratoon)

 

 

 

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland waxa uu intaas raaciyay  “Gacantaa lagu hayaa meelihii ay wax ka dhaceen , meelo kale oo waxgooga xiis ahi ka dhaceena wey jirtaa oo dadkii dhintay wey ku dhinteen ALLE ha u naxariisto, inta ku dhaawacantayna waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu caafimaad siiyo. Sidaasay wax u dhaceen.” ayuu yidhi Wasiir Faratoon.

 

 

 

Halkan hadalka Wasiirka arrimaha guddaha.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa