Xukuumadda Somaliland oo Gaashaanka ku Dhufatay eedaymo Somaliya u jeedisay, Digniinna u Ujeedisay Shirkadaha Iibiya Tigidhada Diyaaradaha

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo ka hadlay Masuul Sare oo ka tirsan Dawladda Somaliya oo socdaal labada maalmood ah ku joogay Magaalada HargeysaHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatay in dalkeeda lagu been-abuuro Baasaaboorka Soomaaliya ka dib markii Taliyaha Laanta Socdalka Soomaaliya Gen. Cabdilaahi Gaafoow oo soo bandhigay Baasaabboorro foojari ah iyo dadkii sitay oo uu sheegay in lagu sameeyey magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Ina-Cambaro), ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa ku beeniyey hadal ka soo yeedhay taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya Cabdilaahi Gaafoow, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in baasaaboorka Soomaaliya lagu sameeyo gudaha Somaliland.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), waxa uu sheegay in aanay Somaliland baahi u qabin inay foojari gareyso E-paspor-ka Soomaaliya, isla-markaana leedahay baasaaboor sharci ah.

Taliye Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan halkan ka sheegayaa in aanay jirin ama ay tahay wax aan sal iyo raadtoona lahayn tahay in E-pastport-ka Soomaaliya lagu foojari gareeyo Somaliland, laakiin arrintan (Ka hadalka Soomaaliya) waxa keenay ka dib markii la soo taxaabay niman reer Somaliland sheegtay, laakiin ahayn oo guri hoostii ku samayn jiray E-past-porka Soomaaliya, markii albaabada laga xidhay ayuu keenay dacaayad aan sal iyo raadtoona lahayn uu fidiyo oo ah in inuu yidhaahdo Baasaaboorka Soomaaliya ayaa lagu foojari-gareeya Somaliland”

Taliye Cambaro, waxa kale oo uu sheegay “Somaliland uma baahna Baasaaboor ay foojari-gareyso, Somaliland waxay leedahay baasaaboor sharciya, kaasaanu si xalaal ah u samaynaa, cid kasta oo noo timaadana aanu si sharci ah ugu samaynaa”ayuu yidhi.

Taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya, Cabdilaahi Gaafoow, ayaa shalay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dad uu sheegay in lagu qabtay Baasaaboorka Soomaaliya oo la sheegay in Hargeysa loogu sameeyay.

SOMALILANDPOST.NET