Xukuumadda Somaliland oo Fasaxday laba Telefishan oo hore loo Xayiray

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa xayiraadii ka qaaday laba Telefishan oo todobaad xayirnaa, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay Wariyeyaasha, kaddib kulan ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaarradiisa iyo Maamuleyaasha Telefishanada dalka ka shaqeeya.

 

Wasiirka oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaarradaasi iyo Telefishanada gaarka loo leeyahay, ayaa ka hor intaanay shaacin xayiraad-ka-qaadista labada Telefshan, heshiis ka gaadhay wada-shaqaynta labada dhinac iyo in loo hogaansamo Shuruucda dalka ee Warfaafinta.

 

Labada Telefishan ee la xayiray oo kala ah Eryal iyo Horyaal, ayaa lagu eeddeeyey inay baahiyeen warar kicin iyo nabad-gelyo darro abuuraya, waxaana Maamuleyaashu raali-gelin ka bixiyeen khaladaadkii ay galeen oo ay Bulshada ka raali-geliyeen.