Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin ka bixisay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Iska-hor-imaad gobolka Badhan ee Somaliland ku dhexmaray Ciidamada Qaranka iyo malleeshiyaad ka tirsan maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii wasiirka waxbarashada maamul-goboleedkaas iyo ciidamo uu wato uu socdaal ku yimi degmada Badhan halkaas oo uu hore ugu sugnaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cali Saalax.

 

Isku-dhaca dhexmaray labada ciidan ayaa sababay dhimashada saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii Ciidanka Qaranku qaadeen tallaabo ay kaga hortagayaan socdaalka masuulkaasi ku yimi deegaanno ka tirsan gobolka Badhan.

 

Faahfaahinta warkan iyo Hadalka Wasiirka kaga bogo Muuqaalkan Hoose