Xukuumadda Somaliland oo Digniin kama dambays ah u Jeedisay Telefishannada Dalka

waranHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta kulan la qaatay wakiillada Muuqaal-baahiyeyaasha ka hawl-gala Somaliland, ayaa ugu hanjabay inay xukuumad ahaan Ruqsadda oggolaanshiyaha kala noqon doonaan haddii la baahiyo warar xasilooni-darro ka abuuri kara gudaha Dalka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu telefishannada ka hawl-gala dalka uga digay inay baahiyaan warar isku-dhacyo iyo amni-darro ka dhex-abuuri kara bulshada.

“Waxaan doonayaa In warbaahinta aanu ka wada hadalo sidii ay ugu shaqayn lahaayeen sida  ugu habboon ee dalkani wax ku noqon karo horumarna lagu gaadhi karo. Waxaan ka maqlaa had iyo jeer TV-yada dad hadlaya oo reer somaliland ah oo ku dhawaaqaya haddaannu nahay qabiil hebel iyo qabiil hebel oo fariin u diraya qabaa’il kale oo ay keeni karto cadaawad, isku dhac iyo nabadgalyo xumo. iyo hadalo kale oo khalkhal galin kara nabadgalyada,” ayuu yidhi wasiirka  Arrimaha Guduhu.

“Waxaan halkan kasoo jeedinayaa amar ah inaan TV-na soo dayn karin wax ku saabsan qabyaalad, ama la xidhiidha oo ah, Haddaanu nahay reer hebel nahay, Arrintaasi lama sii dayn karo, mana maqli karo waana mamnuuc, waxaanan kala noqon doonaa ruqsadda TV-ga aan ku arko isagoo qabyaallad soo  daynaya. Taa inaad ila qaadataan ayaan jecelahay oo aynaan iskaga hor iman. idinkay idinku xidhan tahay, haddaad bahalihiisa haysanaysaan iyo haddii aad iska soo dhiibaysaan (Ruqsadda).

“Waa isku dir ummad wada degan gobol marka laba reer loo kala saaro, reer hebel sidaasuu yidhi reer hebelba sidaasuu yidhi, waxay keentay dhibaato badan, sidaasi awgeed waxaan leeyahay yaaney dib u dhicin, in waddankani ay ka hadhi waydo masiibada qabyaaladda,” ayuu yidhi Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET