Xukuumadda Somaliland oo Cambaareeyey Xasuuqii Shalay Muqdisho ka dhacay

Hargeysa, (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa markii u horaysay cambaaraysay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dorraad ka dhacay caasimada Somalia ee Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen, daraasiin kalena ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo xalay u waramay teleefishinka HCTV, ayaa sheegay inuu weerarkaasi muujinayo argagixisadu saamaynta ay ku yeelatay Soomaaliya, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaanu ka tacsiyadaynaynaa anaga oo ka xun dhibaatadii ku dhacday shacabka Soomaaliya, weerarkii ay dorraad ku qaadeen kooxda argagixisadu dad fara-badan oo maati u badan oo dhalinyaro u badan oo arday u badan ay naftoodii ku waayeen. Sida aanu wararka ku helayno halkaa waxa ku naf waayay dad aad iyo aad u fara-badan  oo shacab u badan oo wax waliyo waxay gaysteen aanay jirin, intaasi xukuumda Somaliland iyo shacabkeedu aad iyo aad bay uga xunyihiin.”

Wasiirka oo cambaaranaya weerarkaas waxa uu hadalkiisa intaa ku daray, “Waxaanan halkan ka cambaaraynaynaa argagixisada fal-dembiyeedka intaa le’eg gashay. Waxay arrimahani muujinayaan khataraha ku wajahan mandaqada geeska afrika.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay foojignaadaan, waxaanu ciidamada booliska iyo qarankaba ugu baaqay inay iska ilaaliyaan inay argagixisadu soo weerarto Somaliland. “Waxa kale oo aanu shacabka reer Somaliland ugu baaqaynaa inay kordhiyaan oo ay libin-laabaan foojignaantoodii hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ay ku ilaashanayeen nabadgelyadooda, ciidamada nabadgelyada qarankuna sidii hore looga bartay waxay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahayeen qarannimada Somaliland iyo wixii kale ee dhibaatooyin dalka u keenaya intaba, waxaanan ku kalsoonnahay inay arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabadgelyada ku jirta.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa intaa ku daray, “Laakiin xukuumadu waxay sii kordhinaysaa dedeelkii ay hore-ba ugu jirtay xaga ilaalina nabadgelyada iyo la shaqaynta caalamka iyo sidii ay waligeedba ula shaqayn jirtay khataraha argagixisada iyo budhcad-badeeda ee gobolka loo yarayn lahaa.”

Somalilandpost.net

Yaasiin_29@rocketmail.com