Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay Amni-darrada iyo Qalalaasaha Kooxda Cali Khaliif ku fooggan yihiin

siciid cali muuseHargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka u soo bandhigtay tallaabo malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo loogu qancinayo inay ka waan-toobaan falalka deggenaanshiyo la’aanta iyo iska-horimaadka ka abuuri kara deegaamada gobollada Bari ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa beesha caalamka u iftiimisay in xasilooni-darrada iyo qalalaasaha ka taagan Bariga Somaliland ay masuuliyaddeeda leeyihiin maleeshiyaadka la baxay Khaatumo, waxaanay xukuumadda u soo jeedisay beesha caalamka inay ku qanciyaan kooxdaas sidii ay uga waantoobi lahaayeen dhibaatada ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaankaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada ee Somaliland, ayaa lagu faahfaahiyey doorka Somaliland ku leedahay xasiloonida iyo nabad-ku-wada noolaanshiyaha mandaqadda, isla markaana ay wakhtiganna diyaar u tahay tallaabo kasta oo lagu xoojin karo deggenaanshiyaha mandaqadda, balse aanay cidna kula gor-gortamayn ilaalinta iyo sugidda ammaanka xuduudaha dalkeeda.

“Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay kala hadlaan maleeshiyaad khaatumo iyo taageerayaashooda inay ka waantoobaan wax kasta oo xasilooni-darro abuuri kara, qalalaasena ka dhalin kara tuulada Saax-dheer ee Bariga Somailand. Beesha Caalamka, Somaliland iyo deriskeedu waxa ay ka midaysan yihiin oo dani ugu jirtaa ilaalinta nabada iyo deggenaanshaha Somaliland ku caano-maashay muddada 23-ka sanno ah ee ay jirtay.

“Malleeshiyaadka Khaatumo waxa ay xasilooni-darro iyo degenaanshiyo la’aan ka abuureen qaybo ka mid ah gobolka Sool ee Bariga Somaliland, taas oo aanay oggolaan doonin dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Iska-horimaadkii u dambeeyey ee ka dhacay Saax-dheer waxa keenay joogitaanka maleeshiyaadka ee magaaladaas oo walaac ka dhex-bauuray bulshada deegaanka ku dhaqan,” Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka wasaaradda Arrimaah Dibadda Siciid Cali Muuse.

SOMALILANDPOST.NET