Xukuumadda Somaliland oo Awaamiir Culus Dul-dhigtay Ganacsatada Dalka oo Tallaabooyin Sharci laga Qaadayo

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa go’aamo ay maanta soo saartay ku shaacisay in tallaabo adag oo gaadhsiisan in Sharciga la horgeeyo dul-dhigtay Ganacsatada dalka ee qiimo-kororka ku samaysa Maceeshadda ama raashinka ay shacabka ka iibinayaan.

Waxa maalmihii u dambeeyey meelaha qaarkood laga dareemay kor-u-kac ku yimi Qiimaha Raashinka, kaddib markii ay xukuumaddu dhawaan heegan xaalad deg-deg ah gelisay dalka sababo la xidhiidha dedaallada lagaga gaashaamanyo ka hortagga caabuqa CoronaVirus oo kiisas ka mid ah laga xaqiijiyey dalalka xuduudka la wadaaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa Ciidamada Ammaanka, masuuliyiinta iyo guddiyada nabadgelyada ee heer gobolka iyo degmo ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo Qiimo-koror ku samaysa Maceeshadda daruuriga ah.

“Waxa la soo sheegay, meelaha qaarna la soo xaqiijiyey in raashinkii dadka qiimo-kac ku dhacay oo ganacsatadii qaar ka mid ahi ay raashinkii qaaliyeeyeen, in daawooyinkii dalka laga saaraayo oo la baalmaray amarkii guddiga ka hortagga CoronaVirus-ka. Dalalka adduunka iyo kuwa jaarka ahba waynu ku xidhanahay, laakiin marka ay gaadho arrintan loo bixiyey masiibo caalami ah loo bixiyey, haddana dal walba waxay ku tahay masiibo qaran.

Ummad kasta oo dal ku nool, hadday tahay dowlad, shacab iyo ganacsato waxa loo wada dhaqmayaa si gooni ah oo isku mid ah si barnaamijka loo fuliyo, waayo xannuunkani cid gaar ah uma calaamadsana,” Sidaas ayuu yidhi Md Maxamed Kaahin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa uu ka hadlay kulan maanta dhexmaray Ganacsatada waaweyn ee dalka iyo Rugta Ganacsiga Somaliland, “Ganacsatadu waxay sheegeen inaanay jirin raashin la’aan, inaanu jirin qiimo ku kordhay raashinka iyo in ganacsatada iyo Rugta ganacsigu kala shaqaynayaan dowladda sidii dadkaas (lacagta lagu kordhiyey raashinka) tallaabo looga qaadi lahaa.”

Wasiirku waxa uu Ciidamada Ammaanka iyo masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan ganacsatada qiimo-kororka ku sameeya Raashinka, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka farayaa guddiyada nabadgelyada, badhasaabbada, maayarrada, ciidamada ammaanka inay si joogto ah ula la socdaan ganacsatada, bakhaarrada dukaamada qiimaha raashinka lagu iibinayo cid kasta oo lagu arko inay sicirka kicinayaan in tallaabo laga qaado oo sharciga la hortaago.”

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net