Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo wada-jir u daah-furay Istaraatajiyad Qaran oo lagu daryeelayo Quudinta iyo Nafaqaynta Carruurta

Hargeysa (SLpost)-Wasiiradda wasaaradda Caafimaadka iyo Xannaanada Xoolaha ayaa shalay ka qaybgalay xaflad lagu daah-furayay istiraajiyadda qaran ee Quudinta iyo nafaqaynta carruurta ee Somaliland ee sannad xilliyeedka 2012 ilaa 2016-ka.

Xafladdan ayaa ka dhacday Hotel Mansoor ee magaaladda Hargeysa oo sidoo kale ay goobjoog ka ahayeen Agaasimaha guud ee caafimaadka iyo agaasime waaxeedyadda nafaqaynta iyo qorsheynta wasaaraddaasi, wakiilka UNCEF Somaliland iyo guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshadda ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa ugu horen waxa ka hadlay wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen-xoog) oo sheegay inay Somaliland safka hore kaga jirto liiska waddamada nafaqada carruurta ay ka jirto isaga oo ku sababeeyey arrimo ay ka mid yihiin dhaqaale xumadda naaska oo aan carruurta badankooda lagu duwin abaaraha oo soo noqo noqonayaa cuntadii ku haboonayd carruurta marka ay da’doodu gaadho lix bilood oo aanay helin iyo wixii kale ee la mid ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in nafaqo-darradu ay saamayan guud ku yeelanayso  guud ahaan-ba iskaashi bulsho oo ay sameeyaan dadweynuhu uu qayb libaax leh ka qaadan karo hoos u dhigida nafaqo-darradda carruurta haysata, halka sidoo kalena uu ku tilmaamay in la beddelo dhaqanka carruurta lagula dhaqo, haday tahay naasnuujinta ama ilaalinta saxaadooda.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw-Daahir oo isna tilmaamay waxyaabaha lagala marmaanka u ahaa kor u qaadida nafaqada carruurta, ayaa sheegay inay ugu horayso naas-nuujinta gaar ahaana danbarka hooyada, oo la oggaaday inuu 99% uu ilaaliyo caafimaadka iyo korriinka carruurta door ballaadhana ka qaato maskaxda iyo fahamkooda dabeeciga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur oo isaguna munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inay Somaliland ka mid tahay meelaha carruurtu u geeriyoodan nafaqo-darradda. Waxa uu sheegay in qorshahan qaran  ee quudinta iyo naqafaynta carruurtuna uu qayb ka yahay barnaamijka lagula dagaalamayo nafaqo-darradda haysta carruurta Somaliland. Waxaanu kula dardaarmay hay’addaha ay khusayso inay u diyaar garoobaan sidii masuuliyadda loo gudbin lahaa.

Waxa kale oo kulanka ka hadashay wakiilka hay’adda UNCEF ee Somaliland iyo agaasimayaasha waaxyaha qorshaynta iyo nafaqaynta ee wasaaradda  caafimaadka  kuwaas oo sharraxaad muhiim ah ka bixiyey daah-furka istiraatajiyadda quudinta iyo nafaqaynta carruurta Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net