Xukuumadda Somaliland iyo Madaxdhaqameedyo isfaham ka gaadhay Mashruuca biyo-balaadhinta Hargeysa oo la buun-buuniyey

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda iyo xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in is-afgarad fiican laga gaadhay mashruuc Biyo-balaadhin ah oo laga fulinayo qaybo ka mid ah xaafadaha Hargeysa, iyagoo beeniyay warar ay sheegeen in laysla dhex marayey oo ku saabsan khilaaf aan jirin oo Bulshada lagu jahawareeriyay.

Kadib kulan ay shalay ku yeesheen xubno ka socda Golaha Wasiirrada oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha dibada iyo madaxdhaqameed metelaya guddiga Xaafado ka mid ah caasimadda, xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada, waxa ay labada dhinac sheegeen inay si wada jir ah uga shaqaynayaan hawsha biyo balaadhinta, jirina wax muran ah oo jiraa haba-yaraartee.

Somaliland ayaa Mashaariic badan oo dhanka biyaha ah ka heshay labadii sanno ee ugu dambeeyay midowga Yurub iyo Dawladda Imaraadka Carabta, waxaana mashaariicdaasi qaybta ugu badan loo qoondeeyay Magaalada Hargeysa oo aanay xaafado badan biyuhu gaadhin tobankii sanadood ee la soo dhaafay.