Xukuumadda Somaliland Iyo Laba Dal Oo Kale Oo Iska Kaashanaya Xakamaynta Tahriibka

Hargeysa (SL.Post)  Wefti ka socday Somaliland ayaa Todobaadkii hore Magaalada addis-ababa ee dalka itoobiya kaga qeyb-galay shirweynaha lixaad ee Guddiga heer gobol ee tahriibta oo isku dhafan.

2-tahriib

Shirkan waxaa lagaga hadlay sidii la saga kaashan lahaa la dagaalanka tahriibinta dadka iyadoo hawsha sees looga dhigayo qiimaha aadamauhu leeyahay iyo hanaanka baayacmushtarka noqday ee xiligan loo tahriibiyo dhalinyarrada.

Madaxa Ergada Somaliland uga qeyb-gashay Shirkaa Brigadier General Maxamed Cismaan Caalin oo ah taliyaha laanta Socdaalka Somaliland oo wareysi siiyey wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ayaa sheegay in Somaliland go’aansatay inay qaab kalsooni leh Itoobiya ugala shaqayso sidii loo joojin lahaa waxyeelada ay maalinba ta xigta la imanayso tahriibinta aadamuhu, iyadoo Somaliland aaminsan in mas’uuliyada ka hortagga tahriibtu ay qoorta u sudhan tahay dawladaha Qaaradda.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya iyo Somaliland ay iskaashi adag  leeyihiin kana wada shaqeeyaan dhinacyo badan oo dhanka horumarka ah, iskaashigooduna saameeyo dhinacyada Diblumaasiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada, ammaanka iyo arrimo kale oo khuseeya mandaqadda.

Madaxa Weftiga Somaliland waxa uu sheegay in la dagaalanka tahriibta dadku aanay ahayn arrin u sahlan wadamada Gobolka, sidaa darteed ay lama huraan tahay in dedaal iyo iskaashi ay la yimaadaan wadamada Gobolka iyo ururrada caalamiga ahiba. Halka sidoo kale uu bogaadiyey doorka ay Itoobiya ka qaadato soo dhoweynta dadka Qaxoontiga ah ee ka soo cararaya meelo ka mid ah gobolka laftiisa.

Taliyaha laanta socdaalku  waxa kale oo uu halkaa ka caddeeyey in dawladda Somaliland ballan-qaadayso inay Itoobiya kala shaqayso hanaanka lagula dagaalamayo tahriibinta dadka, laguna yaraynayo dhibaatada qaxootinimada.

 

 

Somalilandpost.net